
Wasiirka warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle
Virginia
Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, mudane Sh. Daahir Maxamuud Geelle iyo wafdi uu hogaaminaayo oo booqasho shaqo ku joogay dalka Mareykanka, ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalada dalka Mareykanka, gaar ahaan jaaliyada Soomaaliyeed ee gobalka Virginia, ayaa waxaa Wasiirku ugu horeyn warbixin ka siiyay jaaliyada Soomaaliyeed, xaaladda dalku marayo iyo barnaamijka dowladda
Wasiirka warfaafinta Sh. Daahir Maxamuud Geelle, ayaa jaaliyada uga waramay xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo caqabadaha ka hortaagan dowladda in ay wax ka qabato dhibaatooyinka dalka ka jira iyo sida dowladdu uga go’an tahay in ay la heshiiso koox walba oo doonaysa Qaranimada dalka
Wasiirku markii u dhameystay warbixintiisa, waxaa ka soo qeybgalayaashii kulankaasi, ay Wasiirka weydiiyeen su’aalo badan oo ku aadan xaalka Soomaaliya iyo sida dowladda wax uga qaban karto, iyadoo uu su’aalihii la weydiiyay Wasiirku ka qanciyay dhamaan dadkii weydiiyay, isagoo u sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta dalka
Wasiirka warfaafinta, ayaa sidoo kale waxaa uu ka warbixiyay dib u howlgelinta Idaacada Radio Muqdisho iyo sidii dowladdu ugu guuleysatay 20 sano kadib in ay kiciso Radio Muqdisho oo maqalkiisu tayeysan yahay lehna website u gaar ah, islamarkaana ku xiran satarlite-ka, wuxuuna sheegay in dowladdu doonayso in ay gaarsiiso xaqiiqda dhabta ah ee dalka ka jirta dadkeeda ku nool Qaaradaha Aduunka
Intii uu socday kulankaasi, ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Filim ka turjumaaya waxqabadka Wasaarada warfaafinta oo ay ka mid tahay kicinta Idaacada Radio Muqdisho iyo ku soo biirinta hanaanka cusub ee warbaahineed ee Satarlite-ka
kaasoo dunidan casriga ah laga isticmaalo, una sahlaya in dadka dibadaha ku nool ay la socdaan xaaladda dalku marayo
Sarmaanyo.com
Sarmaanyo@gmail.com