Wararka
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Liibiya.

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya
Tripol i Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaayo oo booqasho shaqo ku joogay dalka Liibiya, ayaa kulan la qaatey dhigiisa dalkaasi
Kulankan dhexmarey Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo dhigiisa dalka Liibiya Dr.Bakhdaadi, oo ahaa mid xasaasi ah, waxay kaga wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada
dal iyo sidii dowladda Liibiya ay gacan uga geysan laheyd dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya
Mid ka mid ah masuuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya oo lagu magacaabo C/qani Maxamed Waceys ayaa sheegay in Ra’isal wasaaruhu kala hadlay dhigiisa dalka Liibiya sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa uga warbixiyay dhigiisa dalka Liibiya xaaladda dalku ku sugan yahay iyo in dowladda Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siiso dib u heshiisiinta, wuxuuna ka codsadey in dowladdiisu gacan ka geysato arrimahaas si dalka Soomaaliya nabad loogu soo dabaalo
Safarka Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, ayaa qeyb ka ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii ay dowladda Liibiya, gacan uga geysan laheyd wax ka qabashada arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya
Sarmaanyo.com

