Advertisement

Wararka

Ciidamo ka tirsanaa Xisbul Islaam oo Maanta isu soo dhiibay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Gudoomiyaha Degmada Wada-jir Axmed Xasan Caddow (Daaci) iyo Taliyaha Ciidamada Milatariga Dowlada KMG Soomaaliya ee Deegaanka Kaxda ayaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Muqdisho ugu qabteen ayay waxay  ku soo bandhigeen ciidamo ka soo goostay Ururka Xisbul Islaam .

Ciidamadaan la soo bandhigay ee  goostay ayaa tiradoodu ahayd 7 askari oo watay 4 qorya gacmeed,waxaana warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidamada Milatariga ee ay ciidamadaani isu soo dhiibeen ee fadhigoodu yahaya Kaxda,Gudoomiyaha Wadajir iyo sarkaalkii hogaaminayay ciidamada la sheegay inay soo goosteen.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed  Daaci ayaa sheegay in ciidamadaani ka soo goosteen xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay ku soo biireen dhanka Dowlada, iyagana ka maamul ahaan ay aad u soo dhaweynayaan go’aanka dhalinyaradaasi.

Sarkaalkii hogaaminayay ciidamada la sheegay inay soo goosteen ayaa isna wariyayaasha u sheegay inay ka soo goosteen Ururka Xisbul islaam gaar ahaan aaga isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

“Mar Dambe ku laaban maayo kooxdaasi Xisbul islaam ee aan ka soo goosanay, waxaana yeeli doonaa labo midood, inaan Ciidamada Dowlada ka mid noqdo iyo inaan magaalada iska joogo anagoon cidna ka tirsaneyn” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo saxaafadda u waramaayay.

Dhanka kale  ma jirto warar madax banaan oo cadeynaya in ciidamadaasi ka soo goosteen dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda, inkastoo ay xirnaayeen dareyska ay caanka ku yihiin xoogaga Dowlada ka soo horjeeda,islamarkaana ay afkooda ka sheegteen inay aagagii ay ka soo goosteen

Ciiddan Xisbul Islaam

Xisbul Islaam ciidan

SR News
Sarmaanyo@gmail.com