Waxaa Lagu Qabtay Cabdi Guray Plaza Hotel oo kamida hotelada ugu casrisan Magaalada Buuhoodle Xafalad meeqaamkeedu Aad Usareeyo.
Xafladan balaadhan ayaa waxaa Soo Qaban qaabiyey Maamulka Khaatumo State waxaana loo dhigay Ardayda Dhamaystay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa kabaxay fasalka 8aad.
Dhamaan Shacabka kudhaqan magaalada Buuhoodle, Sida , Culimada Diinta, Cuqaasha, Ururada kala Gedisan, Waalidiinta Iyo Dhamaan Ardayda ayaa goob joog ka ahaa Xafldan Qiimaheedu Sareeyay.
Ugu horayn ayaa lagu furay Aayaadka Quraanka Kariimka ah Xafladaasi Waxaana Akhiriyey Macalin Xasan.
Waxaa Xaflada guda galkeedii Furay Maayarka Degmada Buuhoodle Kayse Maxamed X Cali waxuuna halkaasi ka jeediyey hadalkooban wuxuuna sheegay inay furantahay Xafladu.
Oday Ibraahim Maxamed Cabdi oo Kamida odayaal dhaqmeedka deeganada Khaatumo ayaa halkaasi kasoo jeediyey Qudbad aad umacaan oo dhinacyo badan taabanaysey.
Caaqi Hindi Maxamed Aadan oo Kamida Cuqaasha Miisaanka Culus kuleh deeganada Khaatumo State ayaa Codbaahiyaha qabsaday waxuuna ku dheeraday muhiimada ay leedahay in laga soo go’o Meel kala u hanqaltaaga iyo sidii dadka & Dalka wax loogu qaban lahaa. Wuxuuna canabaray dusha Ugatuuray madaxwayne faroole oo caadaystay dhibaataynta Umada Soomaaliyeed.
Ardayda Deeganada Khaatumo ee Iyagu Ku galay Magaalada Buuhoodle imtixaanaadka Ayaa halkaaasi ku soo bandhigay Wacdaro iyagoo Qudbadona ku jeediyey Luuqadaha Carabiga & Englishkam fariimo cul culusna udiray dhigooda ku dhaqan maamulada Hareeraha, Ugu danbayna Ardayda ayaa siwadajir ah hoosta uga xariiqay inaysan ku laabanayn magaaalada Laascaanood Inta ay ku jirto gacanta Gumaystaha SNM.
Afhayeenka Deegaaanka Buuhoodle Maxamuud Shiikh Cumar ayaa dhankiisa ka hadlay Arimo xaasaasiya.
Maxamuud Maxamed Nuux oo Kamida Ardayda Gobolka Cayn ayaa Dhankiisa Maah maahyo Cajiib ah halkasi ku soo bandhigay, kuna tusaaleeyay habkii dhibaatada Haystada Waxa loo yaqaan “Ha midhaafto” & Sidoo kale arimo dhowra.
C/rixiim Saleebaan Farax oo ku hadlayey Afka Dugsiyada Sare ee deegaanada Khaatumo State ayaa Fariimo muhiima dhankiisa usoo bandhigay Ardayda Khaatumo, Shacabka Khaatumo, & Maamulka Khaatumo State.
Haweenka Gobolka Cayn ayaa dhankooda kusoo bandhigay Xafalan qiimaha wayn lahayd Buraanburo Cajiib ah.
Gudoomiyaha Gobolka Cay ee Maamulka Khaatumo State C/raxmaan Maxamed Axmed Ayaa isna ka Madashaasi ka hadlay waxuuna kawarbixyey guulaha balaadhan ee uu kutalaabsaday Maamulka Khaatumo State.
Yaasiin Axmed Sulub Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Khaatumo State ayaa Soo afmeeray Gabagabadii Xafladaasi wuxuuna kawarbixyey waxyaabaha uu Maamulka larabtaagan yahay aradayda Khaatumo, Sidoo kalana waxa uu sheegay in talo qaran laga yeelan doono.
Xafaladan ayaa kusoo idlaataay Jawi aad Uwanaagasan waxayna Soconaysay Mudo 3 Saacadood ah.
By Najiib Cabdi Wali Cabdi Xiis (Najiib Americo)




























