Horgale xaabsade oo aad u danaynayey inuu ka qayb galo shirka Soomaalida uga socda Istanbul ayaa dal ku galkii loo diiday, kadib markii uu safaarada Turkiga la tagey baasaboor bug ah oo ay dhabdhabteen Maamulka SNM.
Wararku waxay intaas ku darayaan in sadexdii wasiir ee ay isku raaci lahaayeen shirka Istanbul ay iyagu toos u tageen maadaama ay wataan baasabooro ajaanib ah. Dhawaan ayey ahayd markii Horgale Xaabsade laga soo baaciyay safaarada maraykanku ku leeyahay Jabouti, loona diiday dal ku galka wadankaas.
Ujeedada socdaalkiisa oo ahayd inuu shacabka ku bahoobay maamulka SNM kala qayb galo xuska 18 May oo dhinaca maamulka Khaatumo State looga yaqaano maalinta nadaafada, isla markaasina si weyn looga xuso.
xigasho aftaag.com