Wasiirka Amniga oo Beeniyay in Dad shacab ah kula dagaalameen Xaafuun

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Puntland ayaa ka hadlay iska hor imaadkii shalay gudaha degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar ka dhacay.

Col.Khaliif Ciise Mudan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ay Ciidamada Badda Puntland weerareen kooxo Burcad badeed ah kadibna ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan oo ay soo xiraan,siduu sheegay.

Wasiirka ayaa beeniyay wararka sheegaaya in ay la dagaalameen shacabka ku dhaqan degmada Xaafuun isagoo sheegay in dadka ay soo qabteen ay yihiin ragg la yaqaano oo Burcad ah.

”Waa been in aan la dagaalanay dad shacab ah,waxaan weerarnay kooxo Burcad badeed ah oo la yaqaano waana soo qabanay oo sharciga la horgeynaaya”,ayuu yiri.

Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxay dagaalkii shalay ka dhacay Xaafuun iyadoo guuxa badan uu yahay in uu dhaxeeyay shacabka degaanka oo kasoo horjeeday in Ciidanka Badda ay halkaas soo galaan.

Sarmaanyo.com