Shirweynaha lagu wado inuu ka dhaco Istanbul ka qayb galka xubnaha Khaatumo waa guul lagu diirsan karo, waana u guuldaro dhinaca maamulka SNM ee isagu sheegan jirey shacabka iyo deegaanada Khaatumo state of Somalia oo ay in badana saami weyn ku qaadan jireen sheegashadaasi.
Ku dhawaaqidii maamulka Khaatumo State Of Somalia wuxuu noqday mid si sahlan u fidaya, gudaha soomaaliya wuxuu ka noqday mid la aqbalay aadna loo soo dhaweeyey, dhinaca wadamada deriskana wuxuu noqday mid ay u guuxeen una aqbaleen si dhamaystiran.
Golaha fullinta(G10) wuxuu noqday bud-dhigaha maamulka, waxaanay si aqoonsare huwan, waaya aragnimo bisil leh dhexda guntida ugu xidheen siday albaab walba u garaaci lahaayeen, fariinta maamulka Khaatumana u waraabin lahaayeen…..
Xulkan G10 markii lagu arkay fagaarayaasha siyaasada, durba waxaa af labadiiis daan yeedhay maamulo isu qabay kuwo xadhigay xidhaan aan la furi karin, kuwo ceelkay ku rideen shacabka reer Khaatumo, aan ciddiba ka soo saari karin, kuwo geed dheer iyo geed gaabanba u korey inay si dadban iyo si toos ahba ula dagaalami doona reer Khaatumo.
Fashilkii Faroole ee shirka Adis-ababa
Waxaa la yidhi mayd kee baa ugu dambeeyey, markaasi la yidhi kaas la sii sido, hada markii shirku ka furmay adis-ababa sidaan xogta ku hayno Faroole wuxuu ku dooday in isaga loo daayo shacabka Khaatumo oo uu masuulna ka noqday, balse arrinkaasi wuxuu kala kulmay fashil siyaasadeed, fadeexad shakhsiyadeed, ka dib markii lagu yidhi ‘Faraskaagu ha ku deeqo, Khaatumana waa maamul kaaga la simane!’….
Markii uu damcay inuu hadalka sii badiyana waxaa farta laga saaray ‘Digniin kama dambays ah, halkaasina waxaa ku burbudhay hankii Oday Faroole ee looga taag la’aa waar reer Khaatumo way tashadeene faraha ka qaad’……
Sidaanu xogta ku helnay qaar Faroole la socday Kuyee ‘Reer Khaatumoow soo noqda wax walba waan idin ogolnahee!!’, waase goorma waqtigay ogolaanayaan?!!, ma xilli reer Khaatumo tashadeen, wasiiro samaysteen, madaxweynayaal yeesheen, golayaal dhaqan yeesheen, hanaankii dawladnimo jeexdeen……
Caqligase ma gashaa aqalkaaga burburi oo ka kalaay kaygana ila dhis, boowe mindhaa sidii hore bay na moodayaan, allow xaal astur laba kala bariday kala war la’e, shalay waxay ku hadaaqayeen miyey ilaaween, SSC waa argagixiso, garoomadayada ka soo degi mayaan iyo wixii la mid ah….maantase nugulaa, jilicsanaa, damqan okaa, miyeysan ogayn in aan gobta la daar daarin!!!…
Maamulka SNM Masayskii Isna waxay kaga dhegtay Khaatumo meel la fadhiisan mayno iyo Meeqaan dawladnimo ha nalagu qaabilo
Qolada jabhada SNM iyaga way iska cadayd cadaawadoodu, ciilqabkooda siyaasadeed, oo marna meel ugumay dhignayn inay reer Khaatumo hadhka u jiidaan, gogol xariira u dhigaan, madaxweyne u doortaan, horumarna uga sameeyaan deegaanadooda.
Hadaba maanta waxaa dhirbaaxo lama ilaawaan ku noqotey unkamidii Khaatumo State Of Somalia, waxaa oofwareen ku riday durba siday fagaarayaasha siyaasada uga dhex muuqdaan reer Khaatumo, waxaa dibin ruug iyo ciil kaambin ku riday maxay wax u qabsadeen, maxay maamul idinka hoos samaysteen, maxay caalamka idinka dheereeyeen iyo maxaynu hada ka yeelnaa?
Madaxda Khaatumo ka qaybgalka Shirka Istanbuul:
- Wuxuu si cad u muujinayaa in ay u dhamaatay sheegashadii shacabka reer Khaatumo.
- Wuxuu si cad u muujinayaa wax Somaliland la yidhaahda inaysan jirin.
- Waxay si cad u bidhaaminayaa inuu maamulkaasi yahay isku xidhaha soomaaliya.
Sidaan la wada socono maamulka SNM waxay maalintii hore marmarsiinyo iyo qiiq isku qaris ka dhigteen laba nin oo reer Somaliland ah ayuu Faroole ku soo daray, sidaasi awgeed wax kulan ah la yeellan mayne, tolow maantana reer Khaatumo maxay marmarsiinyo uga dhigan doonaan?!!!…..
Hadaba nin baa laga hayaa markii wax la ii sheego ayaan wax gartaaye, horta labada maamul ee Hargeysa iyo Garoowe maxay Khaatumo ku hiifayaan? bal aan wax ka qodobeeyo sababahay uga cadanyoonayaan:
- Waa mare waxaa qaadan waa ku noqotay shacabkaad sheeganayso ha ka madax bannaanado, maamul u gaar ahna ha samaysto.
- Waa marka labaade waxaa ka xidhmaysa xisaabaadkii ay deegaanada Khaatumo ku qaadan jireen, jeebabkoodana ku dhici jirtey.
- Waa marka sadexaade waxay ka baqayaan in ay ku yaraato xisaabtooda loogu talagalay inay isku filaysiiyaan…
- Waa marka afraade waxay isleeyihiin aarmuu maamulkan cusubi hadhowto idinka dheereeyaa, idinkana aargoostaa, maadaama aad xaqoodii in badan duudsiiseen.
Ugu dambayntii labadan maamul ee Garoowe iyo Hargeysa waxay dareemeen in siyaasadii gudaha iyo tii dibadaba laga badiyey, maadaama wadamadii ay beenta ku afuufi jireen aysan maanta dheg jalaq u siin waayeen, oo haday arimaha khaatumo soo qaadana loogu jawaabayo ‘Ma sheegan kartaan oo waa maamul idin la siman, sow xaalkoodu muraaradilaac maaha iyo maxay maamul u noqdeen?!!…..
Midhka iigu dambeeya dhamaan shacabweynaha reer khaatumo waxaan leeyahay midnimada ilaaliya, wadajirka ogaada, iswalaalaysta, cadowga kiisa sokeeyaha iyo kiisa shisheeyaha ahna il gaar ah ku eega.
Midhkana waxaan odhanaya qolada madaxda Khaatumo, shacabkiina ka ilaasha beenta, ka fogaada wixii tafaraaruq keenaya, iska jira laba wejilayaasha, reero kale u adeegayaasha, mar walbana xasuusnaada inaad shacabkiina wax ku tihiin…
Wabilaahi Towfiiq
Ismaaciil Ibraahim Ducaale Aftaag
UK