Muscat,(sarmaanyo.com)- waxaa kulan aad loo soo agaasimay, ku yeeshay wadanka Cumaan, jaaliyada Khaatumo state ee Oman iyo Mudane Xurmadle Axmed Saleebaan Cabdalla.
Kulankaasi oo ay jaaliyadda iyo xurmadle Axmed Saleiman Cabdalla ay iskaga waraysanayeen Xaaladaha guud ee dalka somalia iyo gaar ahaan kuwa maamulka Khaatumo iyo doorka jaaliyadaha looga baahan yahay inay ka qaataan horumarinta degaanka khaatumo state of somalia,iyadoo la xusay inay lagama maarmaan tahay in la is garab taago hogaamiyayaasha iyo maamulka khaatumoba.
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen jaaliyadda khaatumo ee ku nool wadanka Cumaan, waxaa mudane Axmed Saleebaan Dafle uga waramay safaradii uu dhawaan kusoo maray wadamada khaliijka iyo kulamadii uu la qaatay qaar ka mid ah madaxda wadamadda carabta, Kulankan ayaa kusoo dhamaaday waji fiican..
Halkan ka daawo sawiradii kulankaas.