Advertisement

Wararka

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa wax ay wacad ku mareen in ay beegsan doonaan nolosha Kaluumaysatda dalka Yemen.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

SR News

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa wax ay wacad ku mareen in ay beegsan doonaan nolosha Kaluumaysatda dalka Yemen.

Hajabaadahan ka imaanaya kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa yimid ka gadaal markii Markab dagaal oo lagu magacaabo Armaanda oo ay Yeman leedahay uu ku biiray howlgalka Atlanta ee la dagaalanka Burcad badeeda sandii la soo dhaafay.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa wacad ku maray in ay bartilmaameedsan doonaan nolosha iyo dhuuniga Kaluumeysatada Yemen kuwaasi oo noloshoodu ay ku tiirsantahay ka kaluumaysiga Badda.

Madaxa hay’ada Kaluumaysatada ee dalka Yemen ninka lagu magaacabo Fowzi ayaa waxa uu walwal iyo walaac ka muujiyay dhibaatooyinka ay ku qabaan howlgalka Atlanta marka laga soo tago halista burcad badeeda Soomaalida.

“ Kaluumaysatada reer Yemen ma ahan Burcad badeed mana ahan kuwa qatarta baday biyaha gacanbiyoodka cadmeed, balse waxa ay halgan ugu jiraan sidii ay umaareyn lahaayeen noloshood Marakiibta caalamiga ah ayaase inta badan kaluumeysatada ku qalda burcad badeed ” ayuu yiri Fowzi isagoo welib intaasi sii raaciyay in ay arintaasi ay sababi karto Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo soo gaara kaluumaysatada taasi oo sii culeysiinaysa hanjabaadaha iyo weerarada kaga  imaanaya kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Fowzi ayaa waxa uu tilmaamay in qiyaastii 25-ka Milyan ee ay ka koobanyihiin tirada dadka reer Yemen 4-Milyan oo kamid ah  ay noloshoodu ku tiirsantahay Shabaagta iyo Doomaha yar yar ee ay qaataan Kaluumeysatada Yemen iyadoona laga yaabo halkii qof oo kamid ah kaluumeysatadaasi ay sugayaan ugu yaraan 6-ruux oo kamid ah qoyskiisa sidaasi daraadeed waxaa uu sheegay in uu hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha Dalka Yemen.

Dhinaca kale Markabkii laga lahaa dalka Indonisia ee dhawaan ay sii daayeen Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa la sheegayaa in ay isna uu sii galbinayo Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha