Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Raaskambooni oo ka mid ah garab diimeedyada dagaalada kula jira Xoogaga Alshabaab ayaa sheegay inay dhawaan la wareegi doonaan magaalo Xeebeedka Kismaayo.
Mucasarkani ayaa sheegay magaalada Kismaayo inay tahay isha dhaqaalaha ugu faraha badan ka soo galo Xoogaga Alshabaab, ayna ku wajahan yihiin dhankooda waxayna u qabteen maalmo kooban inay ku gaarayaan.
Sarkaal sare ayaa sheegay Magaalada kismaayo Todobaadka soo socda ay rajaynayaan inay gudaha u galaan isla markaana kala wareegaan Xoogaga Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Sarkaalkaasi waxa uu beeniyey eedeyn ka timid Mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya oo ku eedeeyey Raaskambooni inay xabsiga u taxaabeen Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo qeyb ka ah dagaalada ka socda gobolada Jubooyinka.
Dadka sida weyn ula socda dagaalada ka holcaya gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay haddii Xarakada Alshabaab magaalada Kismaayo lagala wareego ay soo dadajin karto inay isaga baxaan magaalooyinka kale sida Marka, Jowhar iyo Buula-burde ee gobolada Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan.