Wararka
Hawenka Gobolla Sool oo Kaalmo Lacageed Soo gaadhsiiyey Haweenkii iyo Caruurtii Walidiintood Ku Naf waayen Dagaalki Gobolka Cayn+SAWIRO
Haweenka magaaladda laascaanood ayaa deeq lacageed soo gaadhsiiiyey Agoomihii iyo xaasaskii ay ka taqaan Mujaahidiintii ku geeriyooday dagaaladii Buuhoodle ka dhacay dhawaanahan waxana ay lacagta ku wareejiyeen Haweenka Laascaanood Culimadda iyo Cuqaasha Gobalka Cayn kuwaas oo damaanad qaaday in ay si xaq ah u gaadhsiinayan Agoomihii iyo Xaasaskii Mujaahidiintii ku shahiiday difaaca dalkooda
Hooyo Xaawo Barkhadle Warsame iyo Hooyo Xaawo Axmed Kaarshe oo wakiil ka ahaa haween weynaha Laascaanood isla markaas iyagu lacagta soo Uruuriyey ayaa ku wareejiyey Culimadda iyo Cuqaasha Gobalka cayn waxana ay kula dardaarmeen in ay gaadho cidii loogu talo galay maadaa magaaladda aysan iminka ku wada sugnayn aysana suurta gal ahayn in Hooyooyinkani ay xiligan la lacagtan ay biyaan
waxana ay Hooyooyinkani ka codsadeen bulsho weynta Khaatumo in ay ogaadaan Agoomaha iyo xaasaska ay ka tagaan Mujaahidiinta Khaatumo ee difaacada dalkooda iyo dadkooda oo aysan noqon kuwo meel dhexe ku luma.
Maxamed Cismaan C/nuur
Buuhoodle Somalia
Laascaanood31@hotmail.com












