Wararka
Faah faahin ku saabsan Qaraxa Baladweyne
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxii ay saakay magaalada Baladweyne ka geysteen malleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo lala beegsaday xarun ay ciidammada Ethiopia ku sugnaayeen.
Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay Bar koontarool oo ku taala agagaarka xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxa loo adeegsaday gaari nuuca xamuulka ah, wararka ayaa sheegaya in khasaara uu yahay mid kooban maadama aysan jirin ci rayid ah oo wax ku noqotay qaraxaasi.
Qaraxa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in maalmo ka hor la sii saadaaliyay, iyadoo q qarxana laga celiyay Hotelka ay ku sugan yihiin wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga C/llaahi Goodax Barre.
Xaaladda magaalada ayaa kacsan, waxaana xiran gabi ahaanba goobaha Ganacsi iyo dhaq dhaqaaqyada shacabka iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa magaalada isku hareereeyay ciidammada dowladda Soomaaliya iyo ciidammada dowladda Ethiopia oo baaritaan ka wada gudaha magaalada.
Illaa hadda ma jirto cid masuul ah oo ka hadashay qaraxaasi, iyadoo wararku ay sheegayaan in ciidammada ay ka gubayaan magaalada si baaritaanka loogu guuleyso, mana jirto khasaare baaxad leh oo uu geystay qaraxaasi ay malleeshiyaadka Shabaab Baladweyne ka geysteen.

