Wararka
Qabanqaabadda Xafladda Lagu maamusayo Maamul goboleedka KHAATUMO STATE OF SOMALIA ee london,iyo heestii KHAATUMO loo igmaday abwaan C/xakiin Aadan xasan RUUSH.

Qabanqaabadda Xafladda Lagu maamusayo Maamul goboleedka KHAATUMO STATE OF SOMALIA ee london,iyo heestii KHAATUMO loo igmaday abwaan C/xakiin Aadan xasan RUUSH.
Sarmaanyo.com :- Qabanqaabadda Xafladda Lagu maamusayo Maamul goboleedka KHAATUMO STATE OF SOMALIA ee magaaladda london,ayaa aad looga dareemayaa dhamaanba cariga ingiriiska.
Waxaa qabanqaabadda laf dhabar u ah ururka dhalinyaradda SSC ee SUDO, oo ay la shaqaynayaan gudiyo qabanqaabo oo ka socda jaalliyadda SSC ee Dalka UK.
Waxaa hadaba ku talagalka xafladaasi wehilisa heesta u gaarka ah KHAATUMO STATE OF
SOMALIA oo loo Igmaday Abwaanka weyn ee C/xakiim Aadan xasan (RUUSH),oo
ah abwaanadda u dhashay degaanka SSC ee aadka loo yaqaano.
taasoo isaga gaar loogu maamusay inuu ,maskaxdiisa ka soo shiilo heestaan oo
dhamaystiran.
Hadab Cabdixakiim Ruush waxaa lagu yaqaanaa,heesihiisii iyo gabayadiisii murtida lahaa ee ay ka midka ahaayeen:-
Sidii roob qayoodoo, qoonyaha Nugaaliyo qalcadii taleex helay,
lagu wada qabooboo, dhirta ubaxu qariyoo shimbiruhu ka qayshaan.
Ereyadan oo ku jirtay Heestii QAALI LUULA.
Waxaa Kaloo ka mid ah Suugaanta abwaanka oo aan lasoo koobi karin Heestii caanka ahayd ee Xaragaga. Halkan hoose ka dhagayso Heestii XARGAGA.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
. Ama linkigan riix.
http://www.allsomalimusic.com/uploads/songs/Dream_Team/11%20-%20dream%20team.mp3
Waxaanu abwaanku ballan qaadayaa inuu dhowaan soo gudbin doono heestaa oo aad
dhegehiina ku maqli doontaan.
Waxaan hadaba dhamaanteen uga minan fadhinaa abwaanka iyo heestii KHAATUMO STATE OF SOMALIA IYO XAFLADDA MAAMUL GOBOLEEDKAAS.
Waxaan dhowaan idiin soo gudbin doonaa waraysi cod ah oo aanu la yeelanay Abwaan RUUSH.
sarmaanyo.com

