Advertisement

Wararka

Wasaarada gaashaandhiga ee Kenya oo beenisay in Ciidamo Soomaaliyeed lagu tababarayo gudaha Kenya

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Wasaarada gaadhaandhiga ee dalka Kenya ayaa maanta waxaa ay beenisay warar sheegaya in ay jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo lagu tababaro qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Orwa Ojedeh oo ah masuul ka tirsan wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda Kenya ayaa gaashaanka u daruuray islamarkaana iska fogeeyay warar sheegaya in ilaa 2500 oo askar Soomaaliyeed lagu tababarayo gudaha dalka Kenya,waxaana uu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid been abuur ah.

Waxaa uu intaasi ku daray in aysan jirin ciidamo ay leedahay dowladda KMG ee Soomaaliya oo loogu tababarayo gudaha dalka Kenya kadib markii warar arinkaasi ku saabsan ay qoreen islamarkaana ay buun buuniyeen wabseedyo laga leeyahay dalka Soomaaliya.

Wararka ay dowladda Kenya beeninayso ayaa ilwareedkii laga soo xigtay waxaa uu sheegay in ay jiraan dhalinyaro farabadan oo da’doodu ay tahay 20 sano jir kuwaasi oo gudaha dalka Kenya lagu tababarayo si ay qeyb uga noqdaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Ishii warbixintaani ay ka heshay dowladda Kenya ayaa sheegaysa in saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay u xaqiijiyeen in ciidamadaasi lagu tababarayo magaalooyin ka mid ah dalka Kenya si ay qeyb uga noqdaan dagaalada la filayo dhawaan in ay qaado  dowladda KMG ee Soomaaliya.  

Wasaarada gaashaandhiga ee dalka Kenya ayaa sheegtay in aanay jirin dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ku tababarayaan gudaha dalka Kenya,  waxaana ay meesha ka saartay in ay jiraan guruubyo ay si gooni ah xariir ula leeyihiin oo ka jira dalka Soomaaliya.

Hadalka dowladda Kenya ayaa imaanayan xili dhawaan afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo la hadlay Warbahinta Muqdisho uu sheegay in dagaal dhawaan ka dhacay degmada Dhoobley ay qeybka aheeyd dowladda Kenya oo uu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay ciidamo ku soo tababaraysay dalka Kenya