Advertisement

Wararka

Somali laga rartay meheradohoodii

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Cape town

Cape town

Cape town Waaxda canshuur qaadista (Sars) ee k/africa ayaa baaritaano ku sameeyeen goobaha ganacsiga soomaalida ee magaalada Cape town, iyadoo ay baaritaanada ku wehliyeen booliska magaalada Cape town.

Guddiga canshuuraha (Sars) oo baarayey alaabaha ay ku qoran yihiin magac beenaadka ee aysan sameyn shirkaddii lahayd sida dharka, iyo alaabaadka carruurta lagu ciyaarsiiyo ayaa ka qaaday dhowr dukaan oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed .

Lama ogo ilaa iyo iminka halka ay geeyeen alaabihii ay ka qaadeen dukaamadii soomaalida, walow aysan weli jirin wax war ah oo ka soo baxay dowladda hoose oo ku saleysan baaritaanadii ay fuliyeen waaxda canshuuraha Sars ee dalka K/africa.

Arintani ayaanan ahayn mid ku cusb soomaalida, iyadoo dhowr jeer ay hore u soo noq noqatay, maadaama ganacsatada soomaalida ay ka madax adeegeen in ay joojiyaan alaabaha magac beenaadka ah ee ay ku dhex iibiyaan dukaamadooda.

Dhibaatada ganacsatada Somalida ku haysata Dalka K/africa ayaa ah mid dhan walba saamaysey yadoo wakhtiyadii la soo dhaafayna lagu laayey magaalooyinka Capte-town johensberg iyo magaalooyin kale oo k/africa kamid ah 14.oct 2009 ayey ahayd markii lacag gaadhaysa 50.000 US Dollar laga qaaday xawaalada qaran Laanteeda Cape town
 

SR News
 

Sarmaanyonews@hotmail.com