Advertisement

Wararka

Israsaaseyn Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac oo Dhexmartay Ciidamo Xisbul Islaam Iyo Kooxo Gaari Ka Soo Dhacey Degmada Afgooye.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Afgoye

Afgoye

Afgooye.Hal qof aya ku geeriyoodey mid kalena wuu ku dhaawacmey israsaaseyn dhaxmartey Ciidamada Xisbul Islaam iyo koox Malleeshiyo ah oo Gaari ka soo dhacey Degmada Afgooye,falkaas oo ka dhacey deegaanka Calamada oo ay degan yihiin dadkii ka barakacey Magaalada Muqdisho.

Kooxdan Hubaysan oo aan la garaneynin cidda ay ka tirsan yihiin ayaa maanta Gaari ka soo dhaceen Duleedka Degmada Afgooye,kaas oo ay la soo aadeen wadada soo aadda magaalada Muqdisho,Gaariga la dhacey oo ah nooca loo yiqaano Ruenet ama Surv ayaa ku kireysan NGO Waddani ah oo ka howlgasha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada Xisbul Islaam ee Deegaanka Lafoole oo ka war heley Gaariga la dhacey ayaa baacsadey kooxihii Gaariga Watey,waxana la isweydaarsadey Rasaas culus taasoo keentey inuu Gaarigu rogmado,waxana halkaas ka dhashey Dhimasho iyo dhaawac soo gaartey kuwii wax dhacey iyo dad Rayid ah.

Taliyaha Ciidamada Xisbul Islaam ee deegaanka Lafoole oo la hadley Saxaafadda ayaa sheegey inay jiraan dhimasho hal qof ah iyo dhaawac qof kale,inkasta oo uusan faahfaahin ka bixin dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmey heybtooda,hase yeeshee dadka deegaanka ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmey ay ka tirsan yihiin kooxihii Gaariga soo dhacey.

Taliye C/waaxid ayaa sheegey inay Gaariga qabteen ayna ku wareejiyeen Milkiilihii laga soo dhacey,wuxuuse sheegey in kooxihii burcadda ay baxsadeen ismarkaasna ay ku raadjoogaan,ayna soo qabanayaa sida ugu dhaqsiiyaha badan.

Sarmaanyo.com

Sarmaanyo@gmail.com