Wararka
Mourinho: ‘Sidii Ibra uga tegeyba Inter waa fiicnayd’

Jose Mourinho - Inter
Ninka layliya kooxda kubadda cagta ee Internazionale, Jose Mourinho ayaa sheegay in naadigiisu uu horumar gaaray illaa iyo markii ay Zalatan Ibrahimovich ka gadeen FC Barcelona, xagaagii la soo dhaafay.
Zalatan Ibrahimovi? ayaa Barcelona ugu wareegay lacag dhan $65 million iyo Samuel Eto’o (oo ku qiimaysnaa ku dhawaad $30 million), wuxuuna intii uu Barcelona joogay u dhaliyey 13 gool 24 jeer oo uu u saftay.
Haseyeeshee Mourinho ayaa aaminsan in Inter ku saxnayd in ay iska gaddo Ibrahimovi? walow uu sheegay inuu laacib fiican ahaa.
Isagoo u warramayey website-ka inter.it ee kooxda Inter, wuxuu Mourinho yiri: “Runtu waxaa weeye in naadigu si wanaagsan u dheelayo [Ibrahimovic la'aantiis], kooxduna hadda waa ka banooni wanaagsanyihiin sidii ay ahaayeen sanadkii hore.”
Wuxuu tababaruhu ammaanay qaabka kooxdu ula macaamishay iibinta xidiggoodii, wuxuuna qirtay inay jirtay arrin ku qasbaysay in ay iska iibiyaan Zalatan, haseyeeshee uu garanayey in ay la’aantiis sii socon karaan.
“Waa wax caadi ah in kooxdu wax is-weydiiso, ayna shakido, taasina way nagu dhacday markii aan go’aansannay inaan Ibrahimovi? gadno,” ayuu yiri. “Eeg sida aan u cayaarnay markuu naadiga ka tegey ka gadaal. Heerka naadigu gaaray, sida uu naadigu dhaqaale ahaan uga faa’iiday iibka Ibra uuna u heley kharash uu laacibiin cusub ku soo iibsado.”

