Advertisement

Wararka

REER SSC OO KASOO JAWABEY QEYLO DHAANTII LAASCAANOOD RALLINA GELIYAY!!

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

REER SSC OO LAASCAANOOD RALLI GELIYAY!!

Laascaanood asalaamu calayka.Way nasoo gaadhay farriintaadii qaylodhaanka ahayd ee aad dhowaan noo soo dirtay.

Runtii cabashadaadii calooshaa naga xanuuntay, waxayna nagu reebtay saamayn weyn. Waxaanu mar qudha isku darnay ilmo iyo oohin. Kuma aanan ilaawine amar Allaa nagu dhacay. Waanu is-ognahay in aanu nahay beel ceebaysan oo denbi kaa gashay. Labada lugood baanu ku haysanaaye na saamax oo na Cafi. Haddii aad na cafi waydid, waxaanu noqonaynaa qoom khasaaray. 

Waxaanu halkan kaa ballan qaadaynaa in aanu si dhab iyo daacad ah u fulino dhammaan waxaad naga soo codsatay inshaa Allaah. Waxaanu kuu sheegaynaa in aanu hadda wadno qaban-qaabo iyo diyaar garow weyn. Sidaas awgeed, waxaanu ku rojo- weynahay inaad si dhakhso ah ama waqti aan sidaas u sii fogayn naga heshid war aad si fiican ugu diirsatid oo kaa saara murugada, ciilka, cadhada, rafaadka iyo saxariirka.Wax yar na sug oo noo dulqaado, dhakhso ayaanu ku arki doonaa adigoo qoslaya oo ilka caddaynaya farxad awgeed. 

Haddii Alle idmo, waxaanu rabnaa in aanu ku xorayno bishan Ramadaa ee barakaaysan bisheeda kale sidii aad ku soo codsatay qaylodhaankii aad noo soo gudbisay. Waxaanu ku talo jirnaa in aanu kaa dhigno magaalo bilicsan oo si casri u dhisan oo aad ku faani kartid. Intaas waxaa sii dheer, in aanu kuu qaban doono adeegyo guud ( public services) sida maktabad wax lagu akhristo, meelo lagu beeray dhir iyo geedo cagaar ah oo ubax leh oo dad-weynuhu ku nastaan oo ku manjo baxsadaan subixii iyo galabtii. Sidoo kale, waxaa qorshaha noogu jira in aanu kaa dhigno xarun ganacsi oo iriduhu u furan yihiin oo cid kasta oo ganacsato ah gacmo furan lagu soo dhoweeyo.  

Markaa Laascaanood, libdhi mayside, qaaligii aanu aad u jeclaynay, ha wel-welin waxbaanu kuu ognahay waaga dabadiise. 
Maxamed Cali Daad, San Diego, CA, USA
mohameddad@hotmail.com

————————————————————————

Hoos ka akhri Qayladhaantii ay laascaanood Soo Dirtay 

LAASCAANOOD OO SOO DIRTAY QAYLO-DHAAN-