Wararka
kantarolka galbeed ee magaalada garoowe oo lagu qabtay haweenay soo xaday ilmo yare
Garoowe Ciidamada Booliska kantaroolka galbeed Galbeed ee Magaalada Garoowe ayaa maanta qabtay Haweeanay La sheegay in ay la soo baxsatay Cunug yar oo 4 bilood jira , waxaana loo soo bandhigay saxafada iyo waalidkii dhalay ilamaha
Faadumo Xasan Macalin waa haweenaayda Soo qaadatay Ilamahan yare waxaana kala sheekaystay qaabka ay u soo qaaday cunugan iyo meesha ay u waday waxaana ay ku bilowday Magaceeda’’waxaa la yiradhaa Fadum Xasan waxan ka soo qaday ilmahan Xafada wabari ee magaaalada garoowe waxaana hayey mudo 5 cisho ah, aniga ma xadayn cunugaan waa ilamhayga oo kale , aniga ma dhalin meelna uma wadin, kuwa aan dhalay ayaan meel uga soo tagay, laakin waxaan u socday Muqdisho’’
Sidoo kale waxaa ii suurta gashay in aan wax ka waydiiyo abaaha dhalay ilmahan yar oo lagu magacaabo Mustaf Shaarigow gabadhan yarta ah waxaa horta hooyadeed ayaan is qabanay kadibna waa ay iga tagtay mudo 4 maalmood ag kadibna gabdhaan ayaa waxaa kula heshiiyay in ay ii haysto cunugaan lacagna aan siiyo bishu marka ay dhamaato laakin saaka markaan shaqadii ka aaday ayaan waxaa laysoo sheegay in ganadhii guriga joogtay ay la baxsatay cugutii, intas kadibna waxaan ka baaafiyay idaacadaha maxaliga ah, saacadu marka ay hady 2 duhurnimo ayaa lay sheegay in lagu qabtay kantaroolka galbeed ee magaalada garoowe. ‘’
Ugu danbayntii ayaan waxaanu wax ka waydiinay qaabka ay u qabteen cidamda Booliska kantaroolka galbeed ee Garoowe Dhame Sandheere Cali liiban, taliyuhu waxaa uu sheegay in ay cidanku u hawl galeen markii ay maqleen hawshaas kadibna cidamadu ay heegan galiyaan baaburta baaritana ay samyeen balse waxaa laga helay geed yar oo u dhow kantaroolka halkaas oo ay fadhidayislaan tani la sheegay inay soo xaday il mahaani yar.
Inkastoo dadka dhagahooda ay ka baxday hadal hayntii ku saabsnayd carrurta yar yare e la xado bar yahan danbe ayaa hadana tani waxaa ay maanta u noqotay mid aysan horay u arag waxaana u soo daawasho tagay gabadhan Ilmaha soo xaday dadkii ka agdhawaa si ay indhahooda ugu arkaan marki ugu horasyay ee ay arkan ilmo la soo xadayoo la qabtay cidii sooxaday waana tallaabo horu mar leh oo ay ku dhaqaaqeen ciidamada ilaalada kantarolka galbeed ee magaalada garoowe.
YusufI yare
Garoowe somalia


