Advertisement

Wararka

Magaalada Lascanod oo Olole Nadaafadeed laga fuliyey maanta iyo Ganacsatada oo Kaalin wayn ka qatay+Sawiro

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

magaalada laascaanood ee xaruunta gobolka sool ayaa maanta oo taaiikhdu ku beenayd 05-09-2010 laga hir geliyey olole balaadhan oo lagu gurayey qashinka yaala suuqyada gudaha magaalada lascaanod,

waxaa hawl galkan si wada jir ah u qabtay maamulka gobolka sool uu hogaaminayo badhasaabka gobolka sool C/laahi Jaamac Diiriye*C.laahi Isleged*iyoo Ganacsatadda Magaalada Lascanod sida Xawaaladaha,shirkadaha isgaadhsiinta oo ay hor muud ka tahay Shirkadda Telesom Laascaanood,

Ololahan nadaafadda ayaa la xidhiidha kadib markii madaxwyanaha somaliland axmed siilaanyu uu ku dhawaaqay in maalinta 05-09-2010 ay tahay maalinta qashin gurka somaliland,

qashin guris kuwan oo kale ah ayaa ka socday guud ahaanba gobolada somaliland,

hore ayaa magaaladda laascanod waxaa looga xusi jiray 18 May Sanad walba maalinta qashin gurka deeganada sool sanag iyo cayn,wixii ka danbeeyey gacan ku haynta magaalada lascanod ay la wareegtay somaliland ayaa waxaa la badaley maalinta qashinka yadoo uu madaxwaynaha cusub ee somaliland uu maanta u doortay inay noqoto maalinka qashinka.

waxaa maanta si wayn uga qayb qaatay qashin gurkan oo suuqyada magaalada dhex qaadayey Gudoomiyaha gobolka sool C.laahi Isleged iyo qaar kamid ah anacsatada waawayn ee magaalada uu u horeeye maamulaha Shirkada telesom C.risaq Axmed Warsame*C.risaaq Dhabayoco*

]

Maxamed Cisman Cabdi
Laascaanood3@hotmail.com

Hal Faallo