Advertisement

Wararka

Puntland oo Garowe ku Gubtay Lacag Shilin Somali ah

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Qeyb ka mid ah lacagtii bilihii la soo dhaafay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug oo gaaraysa 11 milyan oo shilinka Soomaaliga ah ayaa maanta waxaa dab lagu qabadsiiyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Lacagtaani oo ah lacagta cusub ee Shlinka Soomaaliga ah ee haatan ka socota qeybaha Magaalada Muqdisho ay ka maamusho dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta lagu gubey meel fagaare ah oo kutaala Magaalada Garoowe.

Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in Lacagtaani ay wateen odayaal dhaqameedyo iyo sidoo kale dad kale oo la sheegay in lagu soo qalday, waxaana lacagtaasi horay isticmaalkeeda u mamnuucay dowlada Hoose ee Puntland kadib markii ay ku qabteen Ciidamada Puntland xili laga soo dajinayay Magaalada Gaalkacyo.

Goobta Lacagta lagu gubayay ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiinn ka tirsan dowlada goboleedka Puntland dad weyne iyo ciidmada amaanka ee Maamulka Puntland, waxaana lacagta lagu daadiyay dhulka iyadoo xiligaasi kadibna lagu bil biley basin kadibna dab la qabadsiiyay.

Laamaha Canshuuraha ee Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay dabagal ku hayeen ganacsatada Maamulka Puntland iyadoo ganacsatada laga baarayay isticmaalka lacagtaani cusub ee Shilin Soomaaliga ah ee Maamulka Puntland ay sheegeen inay Faaliso tahay.