Advertisement

Wararka

U diyaar Garowga Ciidul Fadriga ee Deganada Puntland

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
diyaar garow-ga Ciidil Fadriga

diyaar garow-ga Ciidil Fadriga

Magalada Garowe Caasimada Puntland ayaa waxaa maanta laga dareemayaa u diyaar garow-ga Ciidil Fadriga oo haatan ka harsan tahay Maalmo qura waxaana suuqyada lagu arkayaa dad aad u tiro badan,oo u adiyaar garoobaya ciidaasi inagu soo aadan.

Mar aan maanta booqasho ku tagay Suuqa wayn ee magalada garowe ayaa waxay indhahaygu qabteen dad ad u badan kuwaasi ku mashquul san iibsiga dharka iyo wax yaalaha kale ee la halmaala maalinta Ciida waxanya inta badan ganacsatada ku mashquul san yihiin sida ay wax u gadan lahayeen dadka soo aadaya suuq-yada waa wayn ee magalada garowe,

 Ciidil fadriga ayaa waxaa hada ka harsan tahay maalmo kooban kuwaasi oo laga dareemaya magalooyinka waa wayn Puntland sida Bosaso Qardho Garowe iyo Galkacyo u diyaar garow aad uballaaran  waxaana xariir aan la sameyay Ganacsatada magalada bosaso ay iishegan inay maanta aad ugu badan yihiin dadka taasina ay tahay mid ka duwan Ciidaha kale ee awal laga ciidi jiray Puntland ,

Sidoo kale magalada galkacyo ayaa waxaa saaka ilaa maanta lagu arkayaa dhalinyaro aad u badan oo ka adeeganaya Carwooyinka  iy suuqyada ku yaala magalada taasi oo ay inta badan ah magaalo mashquul aad u badan waxaana sababtu ay tahay Ciidil Fadriga oo maalmo cayimani inaga xigaan iyo gaalkacyo oo kamid ah magaalooyinka ugu dadka badan deegaanada puntland.

xarunta ganacsiga dowlada puntland ee magaalada boosaaso ayaa iayadu xilligaan ah mid aad u mash quul badan waxaana maanta barqanimadii wadooyinka soo gala suuqa wayn ee magaaladaasi lagu arkayay dad aad u tiro badan iyo walidiin wata carruurtoodii si ay ugu soo ii biyaan dharkii ay ku ciidi lahaayeen waxaana uu ahaa suuq  waynaha magaalada boosaaso inta badan mid aad u mashquulsan .

Magalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa waxay inta badan xiliyadaani oo kale tahay meel ay ku badan yihiin dadka iyagu wax ka iibsanayo carwooyinka iyo suuq-yada kale ee magalada mar aan kula kulmay suuqa fadhi Xun mid ka mid hooyoyinka ka halkaasi ka adeeganaayay ayaa waxay iisheegtay inay saaka ilaa iyo hada taagan yihiin suuqa isla markasna suuqu uu yahay mid dadku ku badan yihiin oo aadan helaynba meel aad wax ka iibsato ayna ugu wacantahay soo dhawaadka ciidul fidriga.,

 isku soo wada duubo ayaa mahani oo dhan waxaa magalooyinka waawayn eedeegaanada  Puntland ka socday u diyaar garowga Ciida taasi ay maalmo qura ka harsan tahay waxaana inta badan ay tahay xiliyadaani oo kale mid ka ugu Ganacsiga badan yihiin dadka iyagu keena alaabada  Ciida taasi oo ay faa’iidooyin badan ka helaan ,

Yusuf maxamed maxamud

Garoowe  Somali