Advertisement

Wararka

Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Cabdifataax Jaamac Mire

Cabdifataax Jaamac Mire

Bosaaso Waxaa maanta la horkeenay maxkmadda rafcaanka ee Gobolka Bari Cabdifataax Jaamac Mire agaasimaha Horseed Media oo 22-kii casho ee la soo dhaafey ku xirnaa Xabsiga weyn ee magaalada Bosaso, kadib markii lagu xukumey 6 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed, taas oo uu ku muteystey waraysi ay idaacaddu ka qadey nin dagaal kula jira maamulka Puntland Shiikh Maxamed Siciid Attam.

Maxkmadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dadweyne aad u faro badan dhamaan suxufiyiinta ka hawlgala Bosaso, saaxiibada Cabdifataax, Qaraabadiisi iyo weliba garyqaano badan oo u doodaayey Cabdifataax Jaamac Mire.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadley Xeer-ilaaliyha Maxkmadda waxa uu soo gudbiyey dacwadda uu ku soo oogay Cabdifataax Jaamac Mire, waxaana uu sheegay in Cabdifataax uu qabtey qodobka 220 oo ah Qaran dumis kadib markii uu waraystey nin cadow ku ah Puntland, waxaana uu codsadey in aan Cabdifataax maxkmadda dib loogu soo celin mar danbe uuna yahay sidii loo xukumay.

Sidoo kale waxaa ka hadlwey maxkamadda Qareenada difaacaayey Cabdifataax, kuwaas oo kala ahaa Avv. Siciid Cismaan Dhegamadow iyo Avv. Xareed, waxaana ay ku muujiyeen dacwadooda in aan Cabdifataax gelin

Cabdifataax Jaamac Mire

Cabdifataax Jaamac Mire

denbi ah Qaran dumis, isla markaana ku muteysan karin xabsi caynkaas ah iskaba dhaaf in la xiree in sharciga lagu xirey uu yahay mid aan dastuuri ahayn loona baahan yahay in Cabdifataax isla maanta uu helo xoiriyadiisi, dhamaan dadkii ka soo qaybgalay ayaa aad ula dhacay qaabka ay qareenado difaacooda u soo diyaariyeen.

Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaanka gobolka Bari Shiikh Nuur Maxamed ayaa intaas kadib hadalkii siiyey Dhibane Cabdifataax Jaamac Mire agaasimihii Horseed Media waxaana uu weydiiyey sida uu arko xariga lagu xukumey in uu muteystey iyo waxa uu ka dalbanaayo Maxkmadda.

Cabdifataax Jaamac Mire ayaa sheegay in waraysiga lagu xirey aanu ahayn mid uu ku muteysan karo xarig, waxa uu sheegay in waraysi kale oo inta ka dheer oo lala yeeshay Maxamed Siciid Attam in Raadiyaha laga siidaayey, waraysigaas oo lagu qaadey Paltalk isla markaana la soo geliyey Internetka isla markaana Madaxda Puntland ay waraysigaas soo wada qaateen iyaga oo sheegaaya in Attam al-Shabaab yahay, waxaana kamid ahaa Madaxda tusaalaha waraysigaas u soo qaatey Madaxweynaha Puntland, cid nagu xirteyna ma jirto waraysigaas, kana waa sidoo kale waraysi caadi ah ayuu ahaa. Cabdifataax ayaa Maxkmadda ka codsatey in xoriyadiisa dib loo siiyo.

Markii Cabdifataax sidaas sheegay waxaa gooni isula baxay Xaakimiintii Maxkmadda ee go’aanka gaari lahaa, waxaana ay wada tashi kadib soo fariisteen dadweynaha hortooda, waxa ay sheegeen in dacwadda uu soo oogey xeer-ilaaliyuhu aaney ahayn mid dhamaystiran, waxaana ay amar ku siiyeen in Xeer ilaaliyuhu in uu la yimaado dacwad dhamaystiran midda hadda uu soo ogeyna aysan ahayn mid dhamaystiran, sidoo kale waxa ay go’aan ku gaareen in Cabdifataax xabsiga lagu sii hayo

Eng. cabdifataax

Eng. cabdifataax

Maamulka sare ee Horseed Media Mahad Muuse Axmed iyo Eng.Ismail Haji Said ayaa mar kale sheegay in Cabdifataax Jaamac Mire uu ku xiran yahay sifo aan sharci ahayn, Mahad Muuse Axmed ayaa sheegay in ay muujiyeen dulqaad, arintana ay ku dhamaan doonto guul iyo Cabdifataax oo hela xoriyadiisi maalmaha soosocda.

xigasho horseedmedia