Advertisement

Wararka

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadlay Arimaha dadka barakacayaasha ah ee ku sugan deegaanada Puntland.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Mudan C/xakiin axmad

Mudan C/xakiin axmad

Garoowe Wasiirka War faafinta Dowlada Puntland Mudane C/xakiin axmed guleed ayaa ka hadlay arimaha is dhex galanka dadka ku dhaqan Puntland iyo dadka barakacayasha ee kasoo cararay dagalada konfurta somaliya ka socda ,

Mudan C/xakiin axmad ayaa waxaa u si xun u canbareyay dadka Puntland ka faafinaya hadalada xun ee ah in puntland aysan waxba u qaban dadka kusoo qaxay deganada puntland taasinada ay tahay dad raba inay xumaan ka fidiyaan Puntland “Dadka xumanta Doonaya waxan lee yahay iska dayo hadalka qalafsan ee ah Puntland waxba uma qabato dadka maga galyo doonka ah taasi waa been iyo hadalo xun xun ” Sidaasi waxa yiri Wasiirka war fafinta,

Sidoo kale C/xakiin axmed Guuled wuxuu ka hadlay dadka barakacaysha ah ee ku Nool Puntland inay yihiin dad u dhashay wadanka Somaliya isla maraskan an laga xigin Puntland wuxuna Deganada Puntland Ku Tilmamay inay ka mid tahay Somaliya isla maraskna ay mar walba soo dhaway nayaan dadka soo maciin bida Nabada iyo kala danbaynta ka jira Puntland ,

Mar uu ka hadlay Wasiirka Dhanka aminga ayaa waxaa uu bulshada Puntland ugu baaqay inay mar walba amnigooda sugtaan si loo helo deganasho fiican wuxuna sidoo kale dadka barakacayasha ah u shegay in aan laga xigan Puntland si walbana ugu shaqeyan Amniga ,

Wasiirka war faafinta wuxuu ugu danbayntii sheegay inay dowlada Puntland ay hada wado barnaamij lagu wacyi galinayo dadka ku dhaqan Puntland iyo sida ugu wanagsan ay isku dhex gali karaan dadka barakacayasha iyo qaxotiga iyo dadka degaanka Puntland wuxuuna intaasi dabo dhigay in ay magaloyinka Booasaso garoowe iyo galkacyo ay ka keeni doonan Culimo si wayn looga yaqan Puntland oo ka kooban 9-xubnood kuwasi dhamaan Deganada Puntland tagi doona si ay dadka wacyi galin ugu sameyan ,

Ugu dan bayntii wasiirka waxa uu amaan balaran usoo jeediyay Saxafada ku sugan deegaanada puntland gaar ahaan magalada garowe ee sida habsamida leh ugu shaqaynaya bulshadooda waxuuna sheegay inay yihiin dhalinyaro mar walba jecel Nabada iyo Amniga Puntland sida ay dadka ugu sheegi lahayeen waxaana wax ka sheegi doonta ayuu yiri taariikhda wadankoda,

Sarmaanyo.com?