Wararka
Ciidamada AMISOM oo duqeyn u geystay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho
Madaafiic geysatay qasaarooyinka isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada AMISOM waxaa ay Maanta ku garaaceen Xaafado ka mid ah degmada Hodon iyo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo uu xirmey ganacsi yar oo suuqaasi maanta ka furmay.
Inata la ogyahay hal qof aya ku dhintay 5 kalana waa ay ku dhawacmeen madaafiic maanta barqadii ciidamada Midowga Afrika ay ku garaaceen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Madaafiicd ayaa bilaabatay barqanimadii maanta xili Magaalada Muqdisho aanay ka jirin wax dagaalo ah waxaana madaafiicdu ay ku dhacday qeybo ka mid ah gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo uu ka jiray ganacsi aan sidaasi u badneyn iyo u diyaar garow dhinaca Ciidda ah.
Qeybta Qudaarta ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku dhacay dhowr madfac halkaasi oo dad rayid ah uu kasoo gaaray qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadkii goobtaasi ku dhaawacmay qaaday gaadiidka Gurmadka deg deg ah.
Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa Gaadiidka Gurmadka deg dega ee ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in gudaha Suuqa Bakaaraha ay ka qaadeen meydka hal ruux iyo dhaawaca 4 kale oo uu sheegay in qaarkood xaaladooda ay aad u darantahay.
Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii u dambeeyay hakad ay galeen howlihiisa ganacsi islamarkaana maalintii shalay laga dareemayay gabacsi aan sidaasi u buurneyn ayaa Madaafiicdii maanta waxaa ay mar kale hakad galisay howlihii ganacsi ee Suuqaasi ka jiray.
Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Max’erd Siyaad Cali Dheere ayaa ku eedeeyay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho inay masuul ka yihiin dhibaatada dadka shacabka ah ku soo gaarta gudaha Suuqa iyo xirnaashiyaha goobaha ganacsiga ee Suuqaasi.


