Wararka
Xaraunta PDRC ee magaalada garoowe oo lagu soo bandhigay dastuurka qabyada ah ee ay yeelan doonto soomaaliya
GarooweXarunta hay’ada cilimi baarista deganada Puntland PDRC magalada garowe ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay tasduurka cusub qabyada ah ee dowlada KGM Somaliya waxaana bandhigaasi kasoo qayb galay 3-galo ee dowlada puntland Aqoon yahano nabadona abwano iyo saxafada qaybaheda kala duwan ee magalada Garoowe
Bandhigaasi maanta lagu qabtay PDRC ayaa waxaa uu ku saab sanaa tasduurka qabyo qoraalka ah kuwaasi ay gacanta ku hayaan 30-xubnod oo madax banan waxana qoralkiisa lagu wadaa wadanka Jabuti. Sida ay u arkan Dadka Reer Puntland waxaana masuuliyintii halkaasi kasoo qayb gashay loo qaybiyay war qado ay ku qoran tahay qobada tasduurka
Gudiga gacanta ku haya qoraalka tasduurka dowlada fadaralka somaliya ee madax banan ayaa waxaa qaybiisa hore la aas asay Sanadkii 2004- xiligii uu madaxwayne ka ahaa dalka somaliya C/laahi yusuf axmad waxaana Sanadkaani lagu daray 15-kale oo xubno ka ah gudigaan si loo dhamays tiro qabyo qoraalkani tasduurka ah ,
Axmad aadan C-raxman oo xubin ka ah gudigaani madax banan ayaa halkaasi hadal ku aadan tasduurka kasoo jeediyay wuxuna shegay in dalka somaliya u bahan yahay Sharci cusub oo lagu hago dalka somaliya wuxuuna intaasi ku daray inuu meel fiican u maraya dhamaadkiisa tasdurkani ,
Sidoo kale waxaa markii danbe halkaasi kal mad kooban ka jeedisay Madaxa Gudigani madax banan ee loo xil saaray qorida tasduurka Dowlada Somaliya Xaawo cali jamac oo sheegtay inay aqoon u lee yihiin qorida tasduurka taasina ay u saa maxday inay dhamays tiraan Sharciga tasduurka dowlada KGM Somaliya,
Tasduurkani Cusub uu yeelan doona Dowlada Somaliya ayaa waxay tahay mid ay inta badan ku kala fikir duwan yihiin dadka somalida waxana hada la sugayaa Sida uu uga hirgalo dalka somaliya .ayadoo konfurta somaliya u muuqato mid aan usoo jeedin tasduur isla maraskna la daala dhacaysa dagaalo sokeye,
Waxana lagu wadaa Gudigaani qoraya tasduurka dowlada fadaralka Somaliya oo haatan 6-xubnood ka jooga magalada garowe inay kulamo la qaatan ganacsatada iyo Aqoon yahana reer Puntland ee ku sugan magalada taasi oo u muuqata in dhamaan Reer Puntland ay soo dhaweyen qoraalkaniQabyada ah ee hada la sugayo dhamayntiisa tasduurka Dowlada Somaliya,kaasi oo aan la garanayn halka uu ku dan bayn doono mustaqbalka maadaama ay xaalada soomaaliya maalinba maalin ka soo darayso..
Sarmaanyo.com


