Wararka
RUUSH AADAN XASAN DHOOBLE IYO DR.KAISE SACIID CARTAN OO UGU BAAQAY DADKA U DHASHAY SSC MIDNIMO IYO ISKU DUUBNAAN
Ruush aadan Xasan Dhooble iyo Dr.Kayse Siciid Cartan oo ugu baaqay dadka ku dhaqan mandaqadda S.S.C in lagu wajaho midnimo iyo isku duubni xaaladaha ka jira deegana S.S.C.
Baaqan oo ay si wada jir ah uga soo saareen magaaladda Birmingham ayay ku muujiyeen in loo baahan yahay xaaladdaha cakiran ee degaanka ka taagan siyaasad ahaan in wadajir loo wajaho.
ka dib markaanu aragnay xaaladdaha kala daadsan ee degaanka taasoo werwer nagu haysa,ayay nala noqotay inaanu si guud ula hadalno dadka degaankaasi ku dhaqan.
Waxaan si wada jir ah isugu dayaynaa inaanu gaar gaar iyo wada jirba ula hadalno isimadda iyo madaxda S.S.C,taasi oo aanay cidna noo xilsaaran ee ay noola muuqatay waajib qof kasta oo ka soo jeedda degaankaas.
Waxaan baaq kale u diraynaa dhalinyaradda ka soo jeedda degaank SSC inay u guntadaan danta dalka iyo dadkaba,oo aanay cidna ku eegan, maalkooda, maskaxdooda iyo muruqoodaba isugu geeyaan sidii loo xorayn lahaa degaanka la haysto,oo aynu isku tashano,inagoo madaxbanaan,oo ay ku daydaan ilayska ay shideen dhalinyaradda baalka dahabiga ka gashay taariikhda S.S.C ee SUDO.
Ugu dambayntii waxaan taageeraynaa cid walba oo wada danta dalka iyo dadkaba.
Waxaan anagoo ka faaiidaysanayna fursadan hambalyo u diraynaa gudoomiyaha iyo guddida cusub ee ururka dhalinyaradda SUDO.
wabilaahi tawfiiq

