Advertisement

Wararka

mid kamid ah ilaaladda wasiirka Duulista iyo hawada ee p/land oo lagu dilay tukaraq

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Mid kamid ah ilaaladda Wasiirka Duulista iy hawadda ee P/land ayaa lagu dilay Tukaraq Halka Midkalena la dhaawacay,

wasiirka duulista iyo hawadda ee maamul goboleedka Puntland Md:Axmed cilmi cismaan ayaa maanta ka bilaabay wadada isku xidha Magaalooyinka garowe iyo tukaraq safayn lagu safaynayo kooxo dab ley ah oo Wadadaas dhigta jid gooye,kooxdaas oo inta badan gaadiidlayda u kala gooshta magaalooyinka garowe iyo laascaanood u dhigta jidgooye inta badana hanti badan lunsada.

waxaa maanta hawlgalkan wasiirku sameeyey ku dhintay mid kamid ah ilaaladiisa oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Warsame,halka mid kalena uu ku dhaawacmay,

Ilaalada wasiirka ayaa ku guulaystey in ay gacanta ku dhigaan dableydii dilka geysatay waxaana loo qaaday magaaladda garowe,waxaana ay ku jiraan xabsi ku yaal magaaladda garowe ee maamul goboleedka p/land