Advertisement

Wararka

Amanda Lindhout oo cafis u fidisay kooxihii 15-ka bilood ku heystay Somaliya

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Amanda

 Amanda Lindhout oo aheeyd Saxafiyadii u dhalatay wadanka Canada oo iyada iyo sawir qaadaheedihii u dhashay wadanka Australia lagu heystay gudaha wadanka Soomaaliya mudo 15 bilood ah  ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay cafis u fidisay Kooxihii afduubka ugu heystay gudaha wadanka Soomaaliyeed.

Waxaa ay sheegtey haweeneydaani in ay qadatay go’aan ah taageerida haweenka Soomaaliyeed oo ay sheegtay in ay ka saacidi doonto dhinaca waxbarashada iyo Jaamacadaha dalka dibadiisa ah.

Lindhout oo u warameysay Warbaahinta CBC  ayaa sheegtay inay soo aragtay xanuun iyo dhibaatooyin fara badan oo isugu jira Jidil iyo handadaad iyo caga jugleyn intii ay gacanta ugu jireen iyada iyo sawir qaadaheeda kooxo dabley Soomaali ah ee ku heystay koofurta dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in fikir dheer kadib ay go’aansatay in ay kaalmeyso oo ay bar bar istaagto  haweenka Soomaaliyeed ee u baahan waxbarashada heerka Jaamacadeed ah.

Waxaa ay intaasi ku dartay inay deeqo waxbarasho ay u raadin doonto  dhamaan haweenka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan ee dhinaca waxbarashada ay ku heysato dalka Soomaaliya.

“ Ruuxa Bini’aadamka ah waxaa uu qaadan karaa go’aan walba marka uu xoriyadiisa helo, aniga oo og dhibaatooyinka aan kala soo kulmey Soomaaliya oo ay ii geysteen kooxihii aniga iyo sawir qaadaheygii naheystay, waxaan qaatay go’aan ah cafis aan u fidiyay kooxdii naheysatay iyo in aan waxbarasho dibada ah u qaado haweenka Soomaaliyeed, Waxaa ii cuntami waayay in aan ku kaco falal aargoosi ah iyo wax lamid ah” sidaasi ayay tiri Amanda Lindhout

Amanda Lindhout  ayaa kooxo dabley ah waxaa ay afduubteen bishii August ee sanadii 2008-da iyadoo xoriyadeeda dib u heshay 15-kii bishii November ee la soo dhaafay  kadib 15 bilood oo ay gacanta ugu jireen kooxo hubaysan oo Soomaali ah.