Wararka
Wasaarada waxbarashada puntland oo soo bandhigtay deeq wax barasho oo hor leh.
Wasiirka Waxbarashada puntland Cabdi Farax Juxa oo maanta shir Jaraa’id uu ku qabtay Xafiiskiisa waxaa uu kaga warbixiyey Safarkisii uu ku soomaray dalalka itoobiya iyo Sudaan kuwaas oo u ka soo helay Deeq waxbrasho oo gaaraya 150 arday in kabadan oo loo
Qaadayo waxbarasho Jamacado Dibada waxaana ay noqonayaan ardaydaani loo soo helay waxbarashada heer jamacadeeda ah ardayda ugu saraysay Imtaxaanka dugsiga sare fasalka 4aad ku waasi oo haysta dhibcaha nooca A iyo B da oo muu jiyay dadaal dheeraad ah oo ay uga horu mareen saaxiibadooda ay isla galeen imtixaanka.
Wasiirka waxbarashada puntland ayaa sheegay in safaradii uu dhawaanahaan ugu maqnaa wadamada suudaan iyo wadankaasi ethopia uu ka soo hoyiyay guulo wax ku ool ah oo dhanka wax barashada ah waxaana u sheegay inay dowlad suudaan ugu deeqday ilaa iyo 60 araday oo gali doona kulliyado kala gadisan halka dowlada ethopiayana oo uu wasiirku ammaan xoogan u soo jeediyay ay ugu deeqday 100 iyo 10 araday oo waxbasho ah uuna wasiirku sheegay in aad loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda ismaamulka soomaalida wadan kaasi itoobiya
Wasirka waxaa kale oo uu ka warbixiyey Imtaxaanadkii dhawaan ay ku guulaysteen Wasaradu in ay isku wakhti u wada fariistaan Imtaxaanaadka Dugisiyada sare iyo kuwa dhexe natiijadii ka dhalatay kuwaasi oo ahaa guul wax ku ool ah oo u soo hoyatay waxasaarada waxbarashada iyo dhammaanba dadka reer puntland kuwaasi oo uu wasiirku sheegay inay 100% wanaagsanayaaeen ardayda reer puntland ee imtixaankaasi u fariisatay walow uu hoos u dhac ku jiro dugsiyada dhexe o uu wasiirku sheegay in loo baahan yahay in wax wayn laga qabto
Mahan markii ugu horaysay ee wasarada waxbrashada Puntland ay sidaan oo kale ay deeeq Waxbarasho u soo bandhigto ugu na deeqdo ardayda ugu saraysa Dugisyaada Sare imtaxanaanadka u danbeeya kuwaas oo dhiiri galin u noqota,
Waxaa horay u aaday markay dhamaysteen dugisyada sare arday Deeq waxbarasho looga helay dalalka Sudaan iyo Yeman halkaasi oo ay siwanaagsan uga wataan wax barashadooda.
Yuusuf maxamed maxamuud {yusuf yare}
Sarmaanyo.com Garoowe


