Advertisement

Wararka

Wasaarada dhallinyada puntland oo ee dayn kulul usoo jeedisay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
dhalinyarada..

dhalinyarada..

Shir ballaaran oo maanta kadhacay xarunta wasaarad haweenka iyo arrimaha qoyska kaasi oo ahaa halmaalinle anay isugu yimaadeen hay adaha iyo ururada kashaqeeya arrimaha dhallinyarada iyo wasaarada shaqada ,shaqaalaha ,dhallinyarada iyo spotiga .

Ayna so qaban qaabisay isla wasaarada shaqada,shaqaalaha ,dhallinyarada iyo isbortiga dowlada puntland waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin kakala socotay wasaaarada qaabilsan arintani ee dhallinyarada iyo isbortiga puntland qaybo kamid ah hay’adaha daneeya arrimaha dhallinyarada iyo ururada maxaliga ah ee ka shaqeya deegaanada puntland.

Ujeedada shirkaani ayaa waxa uu ahaa sidii loo horu marin lahaa dhallinyarada ku dhaqan deegaanada puntland oo inta badan lagu eedeeyo inay kulug leeyihiin arrimo badan oo aan wanaagsanayn ayna ugu horayso burcad badeednimadu waxaana ugu horaynba halkaasi kahadlay wasiir ku xigeenka wasaarada SH, SH,DH iyo sportiga puntland mudane Axmed Cigaal Cawaale oo kahadlay muhiimada uu leeyahay shir kaani oo wajiga lagu saarayay sidii lo horu marin lahaa dhallinyarada reer puntland looguna samayn lahaa xirfado ay ku shaqaystaan oo kawanaagsan kuwa ay hada gacmaha kula jiraan.

Iyo sidii loo wacyi galin lahaa kuw wali gacmaha kula jira arrimaha aan waafaqsanayn sharciga loona tusi lahaa jidka wanaagsan wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay horgeeyeen siyaasadii lagu dhaqi lahaa horu marinta dhallinyarada puntland wasiirada ayna laguna wado in la ansixiyo dhawaan.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiayay inaysan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada ay san uga shaqayn arrinta dhalinyarada sidii loo baahnaa waxaana uu sheegaya inay wax taageero ah ka siin hay adaha caalamiga ah wasaarada iyo dowlda puntlandba sidii looga soo jeedin lahaa dhalin yarada burcadnimad iyo tahriibta NGO yada maxaliga ahi waa inay si wannaagsan umaamulaan mashaariicda ayaryar ee ay ka soo qaataan hay’adaha ee ka shaqeeya amuuraha dhallinyarada ayauu yiri cawaale ..

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin kalagadisan oo kala socday hay’adaha calamiga ah iyo kuma maxaliga ah ee ka shaqeeya gudaha deegaanda puntland waxaana halkaasi ka hadshay Sagal Cumar Maxamuud oo kasocotay hay’ada UNFPA oo inta badan kashaqays arrimaha horumarinta dhallinyarada waxayna sheegay inay aad ugu faraxsan tahay ka sooqayb galka shirkaani uuna yahay shir mu hiim ah oo loo baahan yahay in laqabto asanad walba mar kaasi oo lagaga arrin sanayo sidii looga hadlilaha dhalinyarada iyo wixii qabsoomay sanadii laso dhaafay iyo wax yaabihiiaan qabsoomin .

Waa markii ugu horaysay oo dhexmaro kulan cayn kaan oo kale ah Wasaarada shaqada shaqaalaha dhallinyarada iyo sportiga iyo hay’adaha caalamiga iyo ururada maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha horu marinta dhalin yarada walow aysan uga soo qayb galin hayadahaasi sidii loo baahnaa .

Yuusufi maxamed maxamuud {yuusuf yare}

Sarmaanyo.com garoowe