Wararka
C/casiis nuur cilmi oo markale loo dooratay duqa dagmada garoowe iyo golaha degaanka cusub oo la dhaariyay isla maanta
Garoowe Xarunta dowlada hoose ee magalada garowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay dorashada duqa degmada garowe iyo ku xigenkiisa waxaana sidoo kale lagu dhaariyay xubnaha cusub ee golaha degaanka . halkaasi oo si waynloo adkeeyay amaankeeda guud ayana sugayen Ciimada amaanka magalada garowe,
Doorashadaani ayaa waxaa isku soo taagay ku simaha duqii degmada C/casiis nuur cilmi iyo C/futaax salaad mire waxana goob joog ahaa gudi heer wasiiro ah kuwaasi ay dowlada puntland u xilsartay dorashoyinkasi maanta ka dhacay xarunta dowlada hoose magalada garoowe.
Golaha degaanka cusub ayaa maanta u cod bixinayay dorashadani kuwaasi oo ka koobanaa 24xubnod waxaana ay gudiga doorashooyinka ay soo jeediyeen in ay xildhibaanadu ku cod bixiyaan gacantaag halkaasoo 23 xuldhibaan ay gacanta u taagtay codkoodiina ay siiyeen C/casiis nuur cilmi oo asagu markii danbe ku guuleystay xilkaani halka C/fitaax salaad Mire uu helay hal cod oo kaliya taasi ay noqotay in looga adkaday dorashada .ku xigeena waxa loo doortay C/khaliif cumar yare oo sagu ahaa utaaganaha xilka kuxigeenka duqa dagmada garoowe taasi oo ay xildhibaanadu siwad jir ahugu codeeyeen.
Munaasibadani maanta lagu doortay duqa degmada garowe iyo ku xigenkiisa ayaa waxaa kasoo qayn galay qaar ka mida labada gole ee dowlada kuwa wakiilada iyo wasiirada gudomiyaha gobalka nugaal sarakiil ka mid ah Ciidama puntland saxafada iyo dad aad u badan oo usoo daawasho tagay dorashadani maanta ka dhacaysa xarunta dowlada hose ee garowe.
Waxaa halkasi ka hadlay Gen:-C/laahi axmad jamac (ilko jiir) Wasiirka arimaha gudaha dowlada puntland kana mid ah gudiga loo xilsaray qabka ay u dhacayso dorashadani.wuxuuna sheegay inay maanta kusoo dhamatay mid wanagsan .
Wasiirku wuxuu ku baqay in lala shaqeyo mamulka degmada “maanta waxaa halkani kusoo dhamatay dorashadii duqa iyo ku xigenkiisa waxana loo bahan yahay in lala shaqeyo si ay u gutaan howlaha loo igmaday” ayuu yir Ilko Jiir.
Goobta ay doorashada ka dhacaysay ayaa waxaa amnigeda si aad ah u sugayay Ciidamada amaanka magalada garowe kuwaasi oo kormeer ka hayay inta ka ogdhow goobtaasi doorashada oo ahayd xarunta dowlad hoose e magaalada garoowe .
waxaana intaasi ka dib la dhaariyay Duqa cusub ee dagmada garoowe C/casiis Nuur Cilmi wuxuna sheegay inuu wax badan ka badalo hab usocodka shaqada dowlada hoose “dhamaan golaha deganka garowe aad ayay u mahad san yihiin sida qiimaha leh ay maanta iidorteen shaqada hada i hortala wax badan ayaan ka badalaya ” Duqa degmada Garoowe ayaa yiri,..
Xafladaani maanta lagu doranayay duqa iyo ku xigenkiisa ayaa waxay ahayd mid ay u wada riyaqeen dadkii kasoo qayb galay ayadii dadka ku dhaqan magalada garowe ay shegan inay tahay mid wanagsan .waxana laga dhursugayaa waxa uu ka badalo duqa cusub dowlada hoose magalad garowe iyadoona uu xilkaani horay uhayay muddo halsano ah oo uu qabtay waxyaabo badan oo lataaban karo..
yusuf maxamed maxamuud{ yusuf yare}






