Advertisement

Wararka

Taliyihii Hogaaminayay Ciidamada Puntland ee dagaalada kula jira Sheekh Atam oo xilkiisii iska casilay

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee ayaa sheegaya in si lama filaan ah uu isku casilay taliyihii ciidamada daraawiisha maamulka Puntland Col. Siciid (Tuuta weyne) oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee hoggaaminayay dagaalkii ciidamada Puntland la galeen kuwa Sheekh Attam.

Is casilaata taliyaha oo aan la ogeyn waxa sababay balse loo malaynayo inuu arrimo guracan la kulmay ayaa shalay markii uu ka soo laabtay goobta dagaalka ee deegaanada buuraha Galgala ku dhawaaqay is casilaaddiisa.

Iscasilaadda taliyahan oo lama filaan ku noqotay maamulayaasha Puntland ayay wararku sheegayaan in weli aan laga aqbalin, wallow la hadal hayo in baadigoob loogu jiro sarkaalkii booskiisa buuxin lahaa, iyadoo la hadal hayo in kaalintaas loo rabo sarkaal lagu magacaabo Siciid Dheere oo haatan ah Taliyaha guud ee Ciidamada maamulka Puntland.

Taliyihii Ciidamada daraawiishta Puntland ee is casilay Col Siciid Tuuta weyne ayaa hore is casilaad uu soo gudbiyey Madaxtooyada Puntland ka diidday, haddana si rasmi ah looma xaqiijin karo in laga aqbali doono iyo in kale, wallow markan la hadal hayo in la fasixi doono

Sarmaanyo.com