Advertisement

Wararka

Mradonna oo damacsan inuu tababre ka noqda Astonvila

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Mucjisadii kubadda cagta adduunka Diego Maradona ayaa doonaya in si layaab leh u qabto xilka tababarnimo ee koxda Aston Villa kadib markii todobaadkii lasoo dhaafay uu kooxdaas isaga tagay tababarihiii hore ee kooxdaas Martin O’Neill.

Kadib markii kooxda Aston Villa uu si layaab leh kaga tagay xilka macalinimo ee naadigaas Martin O’Neill oo muddo afar sanno naadigas leylinayay ayaa haatan waxaa kooxda ay doonaysaa inay hesho badalka O’Neill.

Haatan waxaa si kumeel gaar ah naadiga Villa u sii leylinaya tababare xigeenki kooxdaas Kevin McDonal kaasi oo guul ku daah furay kulankiisa ugu horeeyay isagoo 3-0 ugu badiyay West Ham sabtidii halka tababarihi hore ee xulka Ingiriska Sven-Goran Eriksson,tababahara haatan ee xulka Maraykanka Bob Bradley ayaa sidoo kale iyana lala xiriirinayaa inay qaban doonaan xilka banaad ee kooxda Aston Villa.

Maradona oo isaga tagay xilka tababarnimo ee wadanka Argentina kadib markii xulkiisa 4-0 ay kaga soo reebeen koobka aduunka wadanka Jarmalka ayaa haatan wuxu mar kale fursad ka raadinayaa kooxda Aston Villa inuu u noqdo Macalin.

Wakiilka Maradona oo lagu magacaabo Walter Soriano ayaa sheegay in Maradona uu doonayo inuu tago ingiriiska isla markaana uu noqdo tababaraha Aston Villa.

“waxaa filayaa in Maradona uu aad u doonayo inuu tago ingiriiska isla markaana uu qabto xilka tababarnimo ee ka banana kooxda Aston Villa ayuu yiri Walter Soriano oo ah wakiilka Maradona.

Waxaa uu intaa raaciyay Walter Soriano in Maradona uu la dhacay kubadda cagta Ingiriska waxaana uu doonayaa inuu nolol kale halkaas ka abuuro waxaana ogahay inuu si aad ah u donayo inuu u dhaqaaqo halkas waa Ingiriiska.

“haddii uu milkiile Rany Lerner uu soo bandhigo qorshe hishiis oo lagula shaqeyn karo waa aqbalaynaa ayuu yiri wakilka Maradona Walter Soriano.

Maradona wakiilkiisa wuxuu kale uu cadeeyay in uu wada hadalo kula jiro kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub waxaana kamid ah kooxda ka dhisan wadanka Ingiriiska ee Aston Villa.

Maradona ayaa doonaya inuu kaga adkaado xilka banaan ee tababarnimo kooxda Aston Villa tababarayasha kala ah Martin Jol, Sven Goran Eriksson iyo ninka sida ku meel gaarka ah u haya xilka tababarnimo ee Aston Villa Kevin McDonal kaasi oo horey u ahaa ku xigeenka Martin O’Neill.

Sidoo kale waxaa jira in Steve Bruce uu isna yahay musharax kusoo biiray tababarayasha doonaya inay qabtaan kooxda Aston Villa