Wararka
Baabuur Sahay u waday Ciidamada p/land ee ku sugan galgala oo qarax lala eegtay
Qarax miino oo qasaare geystay ayaa maanta barqadii waxaa lala eegtay gaari sahay u siday ciidamada Puntland ee dhawaan fariisimaha ka ameysay Buuraleyda Galgala, iyadoo dhinaca kalana ciidamada Puntland ay baneeyeen saldhigiyo ay kaga sugnaayeen Galgala.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo nawaaxiga Buurta Galgala waxaa maanta barqadii qarax miino lala eegtay gaari Jeemis ah oo sahay u siday Ciidamo ka tirsan Puntland oo maalmihii u dambeeyay saldhigyo ciidan ku lahaa Buurta Galgala.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi oo ka dhacay Dalcadda Buurta Galgala uu burburiyay gaariga lala eegtay islamarkaana qasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu gaarsiiyay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, walow aan la ogeyn tirada askarka Puntland ee Qaraxaasi ku waxyeelowdey.
Dhanka kale sida ay ku waramayaa qaar ka mid ah waxgaradka buurta Galgala, ciidmada Puntland ayaa faarujiyay dhowr fariisin oo maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen nawaaxiga Buurta Galgala kuwaasi oo iska horimaadyo kala kulmayay ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Max’ed Saciid Atam oo buuraleyda gobolka kula dagaalamaya ciidamada Puntland.
Macadda sababaha ciidamada Puntland ay u baneeyeen fariisimaha ay ku lahaayeen agagaarka Buurta Galgala hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in guurista ciidamada Puntland ay ka dambeysay kadib markii dhowr jeer weeraro iyo qaraxyo loo geystay gaadiid sahay u waday ciidamada

