Advertisement

Muqdisho

askarta dowlada loo tababaro wixii hada ka danbeeya waxaa lagu tababarayaa gudaha dalka somaliya oo kelya:cumar sharmaarke ra’sul wasaraha somalia

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Cumar c/rashiid cali sharma arke Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta war qoraal ah ku sheegay in in wixii haatan ka dambeeya ciidamada dowladda lagu tababari doono oo kaliya gudaha dalka Soomaaliya halka markii hore dibada lagu soo tababari jiray.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maanta dib ugu soo laabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu warbixin qoraal ah ka soo saaray safaradii uu ku soo maray qaar ka mid ah wadamada Caalamka iyo sidoo kale kulankii uu la qaatay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay isla garteen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga in si deg deg ah Xafiisyadii Qaramada Midoobay looga furo Magaalada Muqdisho iyo in la dhiso xerooyinka ciidamada qalabka sida ee wadanka Soomaaliya.

Warqadaasi qoraalka ah ee ka soo baxday Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa waxaa saxaafada u aqriyay afhayenka Xukuumada C/qaadir Max’ed Walaayo, isagoo sheegay C/qaadir walaayo in warqadii maanta ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay ku qorneed in wixii maanta ka dambeeya lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya dalka gudihiisa, islamarkaana sida afhayeenku uu cadeeyay aysan jirin doonin ciidan dambe oo ay leedahay dowlada KMG Soomaaliya oo lagu soo tababaro meel dibada ka ah wadanka Soomaaliya sida uu carabka ku dhiftay.

Ugu dambeyntii ayaa qoraalka Ra’iisul wasaaraha waxaa lagu xusey in si deg deg ah loo hirgaliyo go’aanadii midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ay ku kala gaareen Magaalooyinka Addis Ababa iyo Kampala kaasoo oo ku aadanaa in Soomaaliya laga taageero xagga Amniga.