Wararka
Raiisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay Ciidamadiisa uu dib ugu dirayo Soomaaliya haddii
Ra iisul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Meles Zenawi ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay Ciidamada dalkiisa inuu mar kale u diro Dalka Soomaaliya si ay u difaacaan Ciidamada AMISOM iyo Dowladda KMG ee soomaaliya oo dagaalo iska caabin ah kala kulmeen Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam.
Mr. Zenawi ayaa sheegay haddii Nolosha Ciidamada Midowga afrika ee AMISOM Qatar soo wajahdo ciidamada dalkiisa gudaha u galayaan Dalka Soomaaliya, si loo bad baadiyo Ciidamada tirada yar ee ka socda Midowga Afrika.
Ciidamada Dalka Itoobiya oo Sanadii 2006-dii soo gashay dalka Soomaaliya waxay ku sugnaynd muddo laba sano ah intii ay joogeena waxay geysteen tacadiyo kala duwan oo soo gaartay dadka shacabka ah, xiligaasina dowladda Itoobiya waxay difaacaysa Dowladda KMG oo xiligaasi Madaxweyne ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed.
Hadalkan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa imaanaya xili culays dhanka dagaalada ay soo fuulay Ciidamada dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM kuwaas oo kaabiga loo saaran yahay Aqalka Madaxtooyada iyo Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho oo ay ilaalo ka hayaan
Sarmaanyo.com


