Wararka
Bilyineero saf ugu jiro iibsiga kooxda Ingiriiska ee Liverpool
Ninka ugu taajirsan wadanka India Mukesh Ambani iyo bilyineerka ganacsadaha ah ee Subrata Roy ayaa tartan adag la galaya taajirka Shiineska ah ee lagu magacaabo Menny Huang.
Taajiriintaan ayaa dhamaantooda waxay wada doonayaan inay iibsadaan kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska.
Taajiriintaan u dhashay wadanka India ayaa miiska soo saaray dalab ay ku doonayeen inay ku iibsadaan qeyb ka mid ah kooxda Liverpool.
Mukesh Ambani iyo Subrata Roy ayaa tartan la galaya ilaa afar taajiriin kale oo iyana doonaya inay iibsadaan naadiga ugu guulaha badan wadanka Ingiriska ee Liverpool.
Kenny Huang oo u dhashay wadanka Shiinaha ayaa soo bandhigay qorshe uu ku iibsanayo kooxda Liverpool isagoo sheegay inuuu ka bixinayo lacagaha deemaha ah ee lagu leeyahay isla markaana uu u soo iibinayo xidigaha ugu qaalisan caalamka.
Huang wuxuu madax ka yahay shirkad dhaqaalaheeda lagu qiimeeyay 209 biliyan wuxuuna doonayaa inuu kala wareego naadiga reer Ingiriis Liverpool nimanka haatan leh ee Tom Hicks and George Gillett kuwaas oo lagu leeyahay lacago deeman ah.
Sida ay qortay jariiradda The Sun Bilyineer Kenny Huang wuxu sheegay inuu u gacan galinayo tababaraha kooxda Liverpool 150 milyan oo gini haddii uu kooxda iibsado bartamaha bishan Agoosto.
Xaraarka kooxda ku cayaarta garoonka Anfield ee Liverpool ayaa ah xaraash iyadoo dadka ku dhow madaxda Liverpool ay sheegayaan in ay adag tahay inay fasaxaan dalabyada ugu imaanaya rag leh jeeb buuran kuwaas oo doonaya inay kooxda bad baadiyaan.
Ninka ugu taajirsan wadanka India Ambani ayaa lacagihiisa waxaa lagu qiimeeyaa 12.5 bilyan oo gini halka Roy isna uu madax ka yahay shirkadda Sahara Group taasoo xayaysiin siisa xulka Cricket-ka wadanak India.
Nimankaan reer Maraykan kooxda Liverpool waxay ku doonayaan 600 Milyan iyadoo Huang ninka shiineska uu yahay kan ugu dhow inuuu lacagahas kuwo u dhow uu bixiyo.
Syria
Iyadoo taasi ay jirto ayaa nin cayaari jiray kubadda cagta oo u dhashay wadanka Suuriya wuxu sheegay inuu doonayo inuu la wareego naadiga Liverpool.
Yaxye Kirdi waa ganacsade Suuriyaan ah kana fariistay cayaarta kubadda cagta isagoo kamid ahaa xulka wadanka Suuriya wuxuna wada hadalo la qaatay milkiilayaasha kooxda Liverpool Tom Hicks and George Gillett.
Mr Kirdi wuxuu sheegay inay isku af garteen qiimaha lacagaha uu ku iibsanayo Liverpool hishiiskaasina uu yahay mid afka ah.
Dowladda Shiinaha ayaa iyana diiday inay bixinayso lacagaah Liverpool lagu iibsanyo.
Tartanka lagu doonayo in lagu iibsado Liverpool ayaa waxaa hogaaminaya nin u dhashay wadanka Shiinaha Kasi oo lagu magacaabo Kenny Huang waxaana wararka qaar ay sheegen inay dowladda Shiinaha ka caawinayso ninkaas inuu iibsado kooxda Liverpool.
Mr Kenny Huang ayaa la sheegay inta badan lacagaha uu ku iibsanayo Liverpool ay ka bixinayso laanta maal galinta dowladda Shiinaha laanteeda maal galinta ee loo soo gaabiyo CIC.
Kenny Huan oo soo bandhigay afar qorshe haddii uu iibsado Liverpool.
Maalqabeenka reer Shiine ee doonaya inuu iibsado kooxda Liverpool Kenny Huang ayaa doonaya inuu loolan culus la galo kooxaha Man City iyo Real Madrid oo uu suuqa kula dagaalamo xidigaha ugu qaalisan.
Kenny Huand wuxuu sheegay in kooxda uu ka damacsan yahay afar qorshe hadduu la wareego
1-inuu ka bixiyo deemaha lagu leeyahay kooxda Liverpool.
2-inuu u soo iibiyo xidigo magac ku leh kubadda cagta caalamka qiimo kasto oo lagu sheego isagoo u sheegay Tababare Roy Hodgson in xitaa uu dalab u dirsan karo Lionel Messi xidiga ugu wanaagsan caalamka.
3- inuu suuq iyo taageero weyn ugu abuuro kooxda Liverpool qaaradda Aasiya oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan caalamka.
4-inuu u dhisayo garoon weyn kaasi oo leh qaad badan isla markaana uu ku dhisayo muddo kooban.
Kooxda Liverpool ayaa waxay ku guulaysatay 18 horyaalka ingiriiska iyadoo aanan wax horyaal ah qaadin tan iyo 1990-kii waxaana xaaladda kooxda ay sii xumaatay markii ay iibsadeen niman reer maraykan ah kuwaas oo markii ay iibsanayeen Liverpool lacagihii ku ay ku iibsadeen kasoo amaahday bankiga Royal Bank ee ku yaala dalka Scotland.
Liverpool ayaa sanadihii dambe waxay lumisay taageeryaaal tiro badan oo caalamka ay ku lahayd iyadoo sabab ay u tahay soo iibin la’aanta xidigo magac ku leh kubadda cagta iyo guul ay ka gaarto horyaalka Ingiriiska oo aysan arag 20-kii sanno ee ugu dambeeyay.
Taageerayaasha kooxda Liverpool ay lumisay ayaa lagu qiyaasay tobaneeyo milyan oo ku kala sugnaa caalamka.
Inkastoo Gerrard uu sheegay inuu kooxda sii joogayo ayaa waxaa ku raacay Torres oo isna la sheegay inuu balan qaaday waqti kale inuu ku bixiyo Liverpool.
War ay qortay jariiradda The Sun ayaa sheegaya in go’aan qaadashada Gerrard iyo Torres ay ka dambeysay kadib wakiilo ka socda ninka shiineeska Huang ay si qarsooodi ah ula kulmeen xiidgaas una sheegeen in ay iibsan rabaan kooxda isla markaana la keeni doono naadiga xidigaha ugu qaalisan caalamka.
Tom Hicks ayaa laga xaraashay koox MLB kadib markii maxkamad ku taala dalka maraykanka ay xukuntay inuu iska iibiyo isagoo lagu leeyahay qaaman badan.
Kenny Huang wuxuu sheegay in wax cabsi ah uusan ka qabanin lacagaha tirada badan ee maalqabeenada kala ah Sheik Mansour bin Zayed Al Nahyan oo leh Manchester city iyo Roman Abramovich.oo Chelsea ah ay ku bixinayaan suuqa isagoo sheegay in uu loolan la gali doono taasi oo uu sheegay in isaga uu madax ka noqon doonno horyaalka ingiriska iyo guud ahaan kubada cagta caalamka marka ay noqoto in koox looga cabsado lacago.
Marc Ganis oo ka tirsan shirkada uu leeyahay ninka shineska ah Huang ayaa sheegay in uu la xiriray bankiga lacagaha ku leh milkiilayaasha Liverpool ee Royal Bank isla markaana uu sheegay in uu jawaab siinayo

