Advertisement

Wararka

3 Nin Keenyaan ah oo looga shakisanyahay Qaraxyadii Kampala oo Maxkamad Lagu soo taagay Wadanka Uganda

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Maxkamad

Maxkamad

3 nin oo Keenayaan ah ayaa shalay la soo taagay maxkamad ku taala dalka Uganda ayagoo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen dilka 76dii ruux ee ku dhimatay qaraxii ka dhacay July 11, 2010 Magaalada Kampala ee wadanka Uganda.

Xussein Agad, Maxamed Aadan Abdow iyo Idiris Magond ayaa ka soo muuqdeen maxkamadda Magaaladda Kampala iyagoo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dil, isku day dil iyo dambiyo kale.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah oo daawanayay labo goobood ciyaartii kama dambaysta ee koobka adduunka ee lagu soo gaba gabeeyey dalka Koofur Afrika.

Da’ada nimanka Maxakamada la soo taagay ayaa kala aheed: Xussein Agad oo 27 sano jir ah, Maxamed Aadan Abdow oo 25 sano jir ah, iyo Idiris Magond oo 42 sano jir ah, waxaa xukunka ku riday nimankaas maxakamadda Nakawa ee ku taalla bariga magaalada Kampala galabnimadii shalay Jimcihii.

Raggaasi ma aysan ka hadlin maxkamadda markii la soo taagay, waxaana mar kale maxkamadda Kampala la soo taagi doonaa bisha dambe ee August 27, sida lagu qoray boga hore ee Aljazeera.

Ugu dambeyntii, Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya sheegtayna mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay 11-kii bishan July magaaladda Kampala, ayagoo ku hanjabtay waliba inay weerari doonto wadamadda ciidamada ka joogaa Soomaaliya ee Uganda iyo Burindi

Yoonis Nuur Faarax
Sarmaanyo.com