Wararka
Urur Goboleedka IGAD oo ugu baaqay Ururka Midowga Afrika in la badalo Qaabka ay ku howlgalaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya kuwo kalana lagu biiriyo.
ampala: Wadamada Urur Goboleedka IGAD ayaa Midowga afrika ku booriyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya loo badalo Nabad dhaliyayaal si looga gudbo dhibaatada ay Maleeshiyaadka dowladnimada diidan ku hayaan Gobolka.
oo u waramaayay wakaaladda wararka ee Xhinua ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo Ciidamada Midowga Afrika ka jooga wadanka Soomaaliya, islamarkaana mandheytkooda ama Qaabka ay ku howlgalaan loo badalo Nabad dhaliyayaal halka ay haatan ka yihiin Nabad ilaaliyayaal, wuxuuna Midowga Afrika ka codsaday in Ciidamadaasi loo badalo kuwo Nabada dhaliya.
Maxbuub Macalin ayaa sidoo kale sheegay in wadanka Soomaaliya aysan ka jirin Nabad la ilaaliyo loona baahan yahay in Nabada marka hore xoog lagu keeno, maadaama ay diideen Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab geedi socodka Nabada Soomaaliya, islamarkaana ay dalka ku casuumeen Ajaaniib shisheeyee ayna cadeysteen in ay duulaan ku yihiin dalalka Afrika iyo kuwa Caalamka intaba.
Sarmaanyo.com


