Advertisement

Wararka

Ciidamada Amaanka Kenya oo gacanta ku dhigay dad qaraxyo ka fulin lahaa dalkeeda.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

 Kampala:- Iyadoo  ay sii kordhayaan hawlgallada Ciidamada Ammaanka ee wadanka Kenya kadib qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ayaa waxaa dhibaatooyin xoogan ay lasoo gudboonaadeen Soomaalida kudhaqan Kenya.

Ciidamada Ammaanka ee wadanka Kenya waxa ay sheegeen in ay gacanta kudhigeen 2-ruux oo Soomaali ah oo dooneysay in ay qaraxyo ka geystaan wadanka Kenya gaar ahaan Nairobi kuwaasi oo aanu weli faah faahin dheeri ah laga bixin.

Dadkani la qabtay ayaa lasheegay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya hayeeshee waxaa illaa iyo hadda aanan la kala cadeynin in qaraxyada ay doonayeen in ay fuliyaan iyaga oo ku guda jira lagu qabtay iyo inkale.

Wadanka Uganda gaar ahaan Magaalada Kampala ayaa tan iyo markii uu ka dhacay qaraxyada xoogan isla markaasina ay sheegteen kooxda lasheego in ay Alqaacida xiriirka laleeyihiin ee Alshabaab ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay Ammaanka wadanka Kenya.

Qaraxyada Kampala kadib Soomaalida Kenya kudhaqan waxaa soo wajahday dhibaatooyin aad u xoogan gaar ahaan dhinaca Ammaankooda, waxaana maalmahani dambe si xawli ah uga socda Nairobi qab qabashada dadka Soomaalida ah.

Sarmaanyo.com