Fikradaha
Mid kamid ah Warbaahinta p/lnad oo aflagaado u gaystey shacabka ssc_FAALO
Tan iyo wixii ka danbeeyey 2007 qabsashadii laascaanood,wax garadka siyaasiyiinta iyo bulshadda laascaanood dhamaantood waxay ku jireen dadaal ah sidii ay u xorayn lahaayeen deeganadooda ssc oo somaliland si duulaan ah ku qabsadeen.
Shacabka ssc ayaa ahaa kuwo fikirkoodu kala duwan yihiin, halka qaar aamin sanaayeen in maamul goboleedka puntland uu dib u xoraynta ssc ay ka qayb qaadan doonta, halka kuwo kalena ay aamin sanyihiin in aysan puntland danaha ssc danayn kaalin wayna ay ka qaadatay sidii ssc cawowgu ugu fiday,
tan iyo aas aaskii hogaanka midaynta iyo bad baada ssc waxaa naxdin iyo cabsi wayni soo wajahday maamulada puntland iyo somaliland, hadii aynu ka hadalno maamulka puntland wuxuu soo rogay amaro uu ku diidan yahay in aysan garoonadeeda ka soo dagi karin idil ahaanba wax garadka iyo siyaasiyiita ssc wixii ka soo daga jeelka in loo taxaabo ay amar ku xibiyeen,
madaxwaynaha puntland faroole wuxuu ku amray dowladiiisa in ay jeelasha dhigaan idil ahaanba wixii la shaqaynaya ssc taasina waxay ka mid tahay in puntland madaxdeedu necebtahay horumarka iyo gooni isu taaga ssc,
markaad tagto magaalooyinka puntland waxaa dhagahaaga ku soo dhacaya nacaybka ay u qabaan ssc halka saxaafadda puntland ay qayb wayn ka tahay nacaybka ssc idaacadaha magaalooyinka garowe,bosaso,iyo galkacyo waxay kamid yihiin idaacadohoodu kuwo aflagaado iyo cay kula kaca idil ahaanba madaxda iyo hogaanka ssc,
Hadaba website”yada reer puntland ayaa kamid ah kuwa ugu afka dheer ee waxay doonaan soo qora kuwaas oo nacaybka ay u qabaan dadka daga deeganadda ssc ku muujiya warbaahinadda puntland,
saxaafadda puntland ayaan badankoodi ka sinayan af’lagaadada iyo nacaybka dadka daga ssc.una arka inay tahay aqoon daro haysa qaar kamid ah website”yada puntland.
www.somalifans.net waxa leh niman dhaqan celisyo ah oo dagan Ingiriiska mid kalena uu hada ku suganyahay magaalada boosaso ee xaruunta gobolka bari.
qoraalada somalifans.net qoray ayaa ah kuwa danbi ku ah cidii qortay-balse qoraayada website-kan ayaa ah kuwa aan diinta islaamka wax saas ah ka aqoon
qoraalkii somalifans.net lagu qoray waxaa ciwaan looga dhigay*
inta badan somaliland ayaa lagu yaqiin in ay ka xumaadaan warbaahinadda somalida iyo kuwa caalamkamarkay shaahadaha soo dhigaan soona daayaan ssc iyo amuuraheeda
websiteka somalifans.net ayaa naxdin wayni ku noqotay markii Aljazeerada ingiriisiga ku baxda ay soo daysey barnaamij ay kaga hadlayaan arimaha ssc iyo qaar kamdi ah ssc .
qoraal lagu qoray somalifans.net ayaa qoraalkiisa wuxuu ciwaan uga dhigay
SSC WAA MUJAHIDIIN LAAKIIN ILAAHEYGOODA WAA LASCAANOOD IYO BUHOODLE*
Riix qoraalkan hoose so aad u aragto qoralka


