Wararka
Dowladda Masar oo ka jawaabtay codsigii ka soo yeeray dowladda Soomaaliya.
Qaahira
Dowladda Masar ayaa shaaca ka qaadey in ay aqbashay codsigii kaga yimid dowladda KMG ah eeĀ Soomaaliya, oo ahaa in loo tababaro ciidamada Badda iyo kuwa Booliska. Kaaliyaha Wasiirka arrimaha dibada dalka Masar ee
arrimaha Afrika marwo Muna Cumar, ayaa sheegtay in Masar ay u tababari doonto ciidamada Badda iyo kuwa Booliska ee dowladda KMG ah ee
Soomaaliya, iyagoo ka jawaabaya codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marwo Muna Cumar, ayaa intaa ku dartey in dowladda Masar ay diyaar u tahay in ay ka taageerto dowladda KMG ah dhan walba, si ay u hanato amaanka dalka iyo soo celinta sharciga iyo kala danbeynta dowliga ah. Sarmaanyo.com
Sarmaanyo@gmail.com


