Advertisement

Wararka

Wakiilka hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti

U dir saaxiib Daabaco Add Comment
Geelle iyo  Walad

Geelle iyo Walad

Jabuuti, Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala ayaa magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo ay kaga wada hadleen arrimo quseeya dalka Soomaaliya.

Wakiilkii hore ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Axmedu Walad Cabdala ayaa isagoo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti, waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kulanka ayaa waxaa ay kaga wada hadleen arrimo ay u badnaayeen arrinta Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari karo xaaladdaha murugsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Axmedu Walad Cabdala ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle in uusan marnaba ka daalin wax u qabashada umada Soomaaliyeed, wuxuuna ku amaanay Madaxweynaha dalka Jabuuti qaabkii uu u dhexdhexaadiyay dhinacyadii isku hayay Siyaasada dalka Soomaaliya, taasoo ay ugu danbeyntii ka dhalatay dowladda uu haatan Madaxweynaha ka yahay mudane Sh. Shariif Sh. Axmed.

Sarmaanyo.com