israelsomali

budhacad badeeda somalida iyo Yuhuuda isreal oo isku mid lagu tilmaamay Daawo-Sawiro

Dibad-baxayaal ka careysan qaabkii ay dowladda Israel ula dhaqantay dadkii saarnaa markabkii mucaawinaada gar-gaar u siday dadka ku dhaqan Qaza (Falastiin) oo ay mudo sadex sano ah saarneyd cunaqabateyn dhanka Yuhuuda ah ayaa maanta ka dhacay magaalo madaxda dalka Turkiga ee Istanbul .

Boorar ay ku qoran yihiin erayo turkish ah oo ay ka mid yihiin “Israel. Somali Korsani” oo macneheedu yahay “Israel waa burcad-badeeda Soomaalida” amaba af-ingriis ahaan markii loo dhigo ay noqoneyso “Israel. Somalia Pirate” ayay wateen dibadbaxayaashani, waxayna muujinayeen caro ay u qabaan Israel. 

19- Aktivist ayay wararkii ugu horeeyay sheegayeen in ay ku dileen ciidamada Yuhuuda kadib markii ay galeen markabka, laakiin caawa ayay xukuumadda Israel hoos u dhigtay tirada dadka ku dhintay, waxeyna sheegeen in ay yihiin 9-ruux inta dhimatay. 

Dibad-baxayaal ka careysan qaabkii ay dowladda Israel ula dhaqantay dadkii saarnaa markabkii mucaawinaada gar-gaar u siday dadka ku dhaqan Qaza (Falastiin) oo ay mudo sadex sano ah saarneyd cunaqabateyn dhanka Yuhuuda ah ayaa maanta ka dhacay magaalo madaxda dalka Turkiga ee Istanbul .

Markabka mucaawinada siday ayaa waxaa saarnaa dad u kala dhashay wsdamo kala duwan oo carab, yurub, Asia iyo Mareykan isuga jiray, waxeyna ka damqadeen cunaqabateynta macluusha dhalisay ee ay dowladaha iyo Masar kusoo rogeen dadka reer Falastiin ee ku nool marinka Qaza.

Dhanka kale, meelo badan oo caalamka ah ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Israel, waxaana dowlado badan oo uu Turkigu ugu horeeyo ku tilmaamay xasuuqii markabka fal argagixiso oo ay ku dhaqaaqday dowladda Israel.

Waxaa sidoo kale cambaareeyay falkani madaxda wadamo badan oo caalamka ah.

Israel ayaa uga digtay muwaadiniinteeda ku sugan dibadaha in ay feejignaadaan, iyagoona sidoo kale uga digay in ay u safraan dalal dhowr ah oo muslimiin u badan.