Wararka
Banaabax balaaran oo looga soo horjeedo duulaanka Somali land ee Widh widh oo ka socda Laascaano
Shacabka reer Laascaano ayaa saaka waxaa ay dhigeen banaabaxyo balaaran oo looga soo horjeedo dagaalka gardarada ah ee ay ciidamada maamulka la magic baxay Somali land ay ku qaadeen deegaanka widhwidh ee gobolka Cayn,waxaana shacabkaasi oo caraysan ay ku gubeen wadooyinka Laascaano Taayiro,iyagoona muujinaya dareenkooda ay arintaasi uga soo horjeedaan.
Boqolaal ka tirsan shacabka reer Laascaao ayaa haatan kusii siqaya dhinaca dhismayaasha ay maamulka Somali land ka dagan yihiin Laascaano,waxaana ay iyaga oo caraysan la dhacayaan dhagxaan.
Banaabaxan oo haatan ah mid socda ayaan la oagayn marka uu soo gabagaboobayo,waxaana jira dhaawacyo la sheegay in ay banaaxyadaasi ay sababeeni,yadoona haatan ay yihiin shacabku kuwo caraysan oo ay suurta gal tahay in ay gacmaha isla galaan ciidamada Somali land ee magaalada Laascoono.
Ciidamada SSC ayaa ah kuwo haatan kusii siqaya gacan ku haynta Magaalada widhwidh waxaana ay doonaayaan in ay guud ahaan dib ugala wareegaan magaalada ciidamada maamulka Somali land ee deegaanka kusoo duulay.



Magacaygu waa Cali Sool aadaan ugu faraxsanahay in ay Shacabka SSC ka kacaan duulimaadka gardarada ah ee ay maamuldiidku kusoo qaadayaan dhulkoda