Wararka
Dagaalo u dhexeeya ciidamada SSC iyo Maamulka Somali land oo ka socda Widhwidh.
Dagaalo kharaar oo faraha looga gubtay ayaa saaka ka bilowday Magaalada Widh widh ee gobolka Cayn,waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ay ciidamada SSC ay ku gubeen labo gaari oo naaca dagaalka ah kuwaas oo ay wateen ciidamada Soomaali diidka ah ee Somali land.
Dagaalada oo ah kuwa ilaa iyo hada socda ayaa waxaa inta la ogyahay ay ciidamada SSC ku dileen 4 ka tirsan Askarta ciidamada Somali land,waxaana qaar badan oo ka tirsan dhaawacyadii ciidamada maamulka Somali land loola cararay magaalada Burco.
Dagaalkan ayaa dhinaca ciidamada SSC waxaa hogaaminaya gudoomiyiihi hore ee gobolka Cayn Kayse Cabdi Yuusuf,waxaana kala qayb qaadanaya kumanaan ka tirsan dagaal yahanada reer SSC,waxaana la filayaa in ay saacadaha soo socda ciidamada SSC gacanta dib ugu dhigaan Widh widh.
Dagaalka Saaka laysku waa bariistay ee Widh widh ayaa ah mid yimid kadib markii ay ciidamada Maamulka Soomaali diidka ah ee Soomaali land ay maalinimadii shalay si gaadma ah ay ku galeen Magaaladaasi.
Wixii warar ah oo kazoo cusboonaaday Widh widh,buuhoodle iyo Laascaano kula soco wararkayaga soo socda..


