Advertisement

Wararka

Buuhooldle oo degen kadib dagaal ku dhex maray dadka deegaanka iyo Ciidamo Ethopian ah oo magaalada soo galay.

U dir saaxiib Daabaco Add Comment

Soo dhoweyn ka dhacday Buuhoodle

Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa degen kadib dagaal kharaar oo ku dhex maray dadka deegaanka iyo ciidamo Ethopian ah oo kusoo duulay markii ay xanibeen qaar ka tirsan gaadiidka deegaanka oo dhinaca Ethopia qaad ka keeni jiray.

Inta la ogyahay waxaa dagaalkii maanta ku dhintay in kabadan 10 rayid ah,iyadoona sida wararka naga soo gaaray buuhoodle ay sheegayaan ay ku dhinteen dagaalka sadex kamid ah Askartii Ethopianka ahaa ee kusoo duulay magaalada.

Shacabka Magaalada Buuhoodle ayaa ah kuwo kacsan oo aad uga xanaaqsan weerarka ay ciidamada Ethopia kusoo qaadeen,waxaana jira abaabulo ay qaar ka tirsan dadka deegaanku ay ugu samaynayaan in ay dib dagaal rogaal celis ah ugu qaadaan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ay ciidamo Ethopian ah oo ku sugan duleedka Buhoodle ay xanibaad kusoo rogeen qaar ka tirsan gaadiidka deegaanka ee alaabaha ganacsiga ka keena Ethopia gaar ahaan qaadka,waxaana dhalinyaro arintaasi ka kacsan ay weerareen ciidamadaasi.

Waa markii ugu horaysa oo si fool ka fool ah ay dadka deegaanka iyo ciidamada Ethoian-ka ah oo horay u joogay duleedka Buuhoodle ay isku food saaraan.

Lama oga halka ay ku dambaynayso xiisada dagaalka ee kasoo cusboonaatay Magaalada Buuhoodle,iyadoona aanay jirin ilaa iyo hada cid si toos ah arintaasi u dhex gashay.

Dagaalkan ayaa imaanaya xili deegaano ka tirsan gobolka Cayn ay ka jireen xiisado dagaal oo kasoo dhex cusboonaaday shacabka gobolka iyo maamulka Soomaali diidka ah ee Somali land.