Wararka
Arday xabsiga loo taxaabay Kadib Banaabaxyo rabshado wata oo ka dhacay Laascaano.
Magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool ayaa saaka ku waabariisaatay banaabaxayo rabshado wata oo ay dhigayaan ardayada Iskuulada ee magaaladaasi,iyadoona ciidamada Booliska ay xabsiga dhigeen arday badan oo dhiganayay dugsiyada hoose,dhexe iyo sare ee gudaha magaalada Laascaano.
Arday boqolaal gaarayay oo isugu soo baxay magaalada Laascaano ayaa ka caraysnaa Amar kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku aadanaa in ay Macalimiinta Iskuulada magaalada Laascaano ay kormeerayaal ka noqdaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka madaxtinimada Somaliland.
Ardayda Iskuulada ee magaalada Laascaano ayaa imtixaanaadkoodii sanad dugsiyeedka haatan uu ku jiraa hakad kadib markii ay maamulka Somali land ka dhaga adaygeen in ay macalimiinta ka joojiyaan shaqooyinkan aan wax ka khusayn ee la socoshada doorashada sida khasabka ah la doonayo in looga hirgaliyo deegaanada kulaala gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.
Ciidamada booliska Somali land ee ku sugan Laascaano ayaa haatan waxa ay la yaaban yihiin tirada ardayda caraysan,iyadoona tobonaan ka tirsan ardayadii banaabaxayay haatan la dhigay xabsiyada magaalada Laascaano.
Ma aha markii ugu horaysay oo Magaalada Laascaano lagu xiro arday iyo dadkale oo banaabax ka samaynay Amar san ka galis ah oo ay soo saaraan maamulka Soomaali land ee gobolada Sool iyo Cayn.


