Wararka
Burcad badeeda oo gacanta ku dhigay dooni laga leeyahay Taiwan.
Wasaarada arimaha dibada Taiwan ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Burcad badeeeda Soomaalida dooni laga leeyahay wadanka Taiwan xili ay ku wajahnayd jasiirada Maldaves.
Mulkiilaha doonida ayaa sheegay in ay ula dhaqaaqeen Burcad badeedii doonta qabsatay dhinaca xeebaha Soomaaliya,iyadoona aanau mulkiilaha aanu xusin tirade shaqaalaha saarnaa doonidaasi.
Mulkilaha doonida laga leeyahay Taiwan ayaa sheegay in markii ay Burcad badeedu qabsatay doonida ay ka dalbadeen lacag madax furasho ah oo aanu xusin inta ay cadad keedu ahaa.
Qabsashada doonidan kaluumaysi ayaa imaanaysa xili ay Burcad badeedu haatan gacanta ku hayaan in kabadan 40 kamid ah Maraakiibta iyo donyaha ay ku weerareen badaha Soomaaliya ku dhow.
Maraakiibta Dagaalka ee xeebaha Soomaaliya ku sugan oo 35 Markab kor u dhaafaya ayaa marka laga reebo howl galo ay mararka Burcad badeedu kusoo qabtaan ayaa ah kuwo inta badan soo tabiya Qabsashada Burcad badeeda gaadiidka maraya badaha Soomaaliya ku dhow.
Maalin kahor ayay ahayd markii ay ciidamada bada Ruush-ku sii daayeen 10 Burcad badeed Soomaali ah oo ay kasoo qabteen xili ay afduubteen Markab shidaal oo laga leeyahay Ruush-ka oo lagu magacaabo Moscow University.


